Xildhibaan Barre Hiiraale oo saaka gaaray degmada Baardheere ee G/Gedo
Warar naga soo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa xaqiijiyey in abaare 7:30 ee subaxnimo ee saaka uu degmada Baardheere gaaray wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale), kaasoo ka soo kicitimay deegaanka Faafax-Dhuun oo xagga galbeed kaga beegan magaalada Baardheere.
Waftiga Barre Hiiraale oo ay si weyn Baardheere ugu soo dhaweeyeen maamulka magaaladaas, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka iyo boqalaal ciidamo ah oo wato gaadiidka dagaalka eee Tiknikada loo yaqaan, kuwaasoo isku dhereriyey buundada degmada ayaa lagu soo waramayaa in ay xildhibaanka socdaalkiisa ku wehliyaan xubno saraakiil ah oo ay kamid yihiin Col: Warfaa Sheekh Aadan, abbaanduulaha ciidamada gobolada Jubbooyinka ,Aadan Maxamed Waceys (Koronto) iyo rag kale oo caan ah.
Ma jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo uu warbaahinta siiyey Xildhibaan Barre Hiiraale, laakiin warar laga helay dad la socda ayaa muujiyey in uu saxaafadda la hadli doona mudanahan, islamarkaana uu warbixin faahfaahsan ka dhiibi doona dagaalkii ay ciidamada maamulka Kismaayo la galeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxaan dhanka kale cadeyn halka uu Baardheere kaga sii gudbi doona Barre Aadan Shire (Hiiraale).
Gedoweb News Desk.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=696