focking idiyats dont know what business is. dumbass terrorists.
Diyaarada lagu soo rasaaseeyay magaalada Kismaayo oo ka soo degtay Garoonka KM 50 ee Gobolka J/hoose.
Diyaarada kuwa khaadka keenaha ah oo sida la shegay lagu soo Rasaaseeyay magaalada Kismaayo ayaa ku soo degtay garoonka Macmalka Ah ee KM 50 ee gobolka Sh/hoose.
Diyaaradani oo la mid ah tii todobaadkii tagay ku soo dhacay garoonkaasi ayaa waxaa illo ku dhow dhow garoonka ay shabelle u sheegeen in diyaaradasi ay ku yaaleen illaa 50 Xabadood isla markaana marka ay soo degeeysay ay ka daadanayeen Shidaalka iyo weliba Biyaha.
Nin ku soo gaabiyay Magaciisa Xiireey oo ka mid ah holwadeenda Garoonka KM 50 ayaa waxaa uu idaacada shabelle u xaqiijiyay in diyaaradaasi iyadoo qiiceeysa ay ka soo degtay garoonka KM 50 ee gobolka Sh/hoose isla markaana ay ka mid aheeyd kuwa khaadka keena dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayeey aheed markii diyaarada la mid ah mida hada ku soo degtay garoonka KM 50 ay ku soo dhacday isla garoonkaasi taasi oo baalka ku dhufatay siin ka mid ah kuwa u taagan isgaarsiinta dalka isla markaana ay ku geeriyoodeen 3 pilot oo diyaaradaasi waday.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay ganacatadii ay u rarneeyd diyaaradaasi iyo weliba hay'adii ay ka diiwan gashaneeyd ee Dalka Kenya.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala Soco Shabelle.net hadii uu illaah inoo Saamaxo



