Yaasiin Nuur Gaas Oo Gaaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo
Baadheere: 29 Agost 2008. Saraakiil, dhalinyaro iyo Odayaal ka soo hayaamay magaalda Kismaayo oo uu horkacayo Yasin Nuur Gaas - Raadeer, ayaa gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Xoogagan ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee ka soo baxa magaalda Kismaayo tan iyo intii ay halkaasi la wareegeen huwanta ay hormuudka ka yihiin ururka Al-shabaab ee xag-jirkaa. Waxaana muuqata in dad badan oo reer Kismaayo ay halkaasi ka qaxeen sababo la xariira amaankooda awgeed.
Dadka ku abtirsada beesha Sade ee iyagu ku sugan halkaasi ayaa baqdin weyn kamuujiyay amaankooda inta ay magaalda haystaan huwanta al-shabaabku horkacayo. Waxaana ay ku qasbanaadeen dhmaan dadkii magaca lahaa inay halkaasi isaga baxaan ayagoo aaday dhanka gobolka Gedo.
Safarka Yaasiin Nuur Gaar iyo imaan shihiisa magaalda Baardheere waa mid si weyn looga soo dhaweeyay gobolka Gedo ayna muhiimad gooni ah siinayaan saraakiishii iyo ciidankii horey uga soo kacay deegaanka Jubada hoose gaar ahaan magaalda Kismaayo.
Daka sid aweyn arrinta ula socdaa waxay sheegeen in uu wax weyn ku soo kordhin doono Yasiin dadaalka loogu jiro in ururka Al-shabab iyo kooxaha xagjirkaa laga saaro deegaanada beesha Sade. Yaasiin iyo raga la socda ayaa la filayaa inay u sii kici timaan dhanka magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
http://www.jubanet.com/Yasin.htm



