Page 1 of 1

Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 2:14 am
by CoolPoisons
Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Sept. 3, 2008 (AOL) - Barre Aadan Shire (Hiraale) dhawaan Wareysi uu siiyay Idaacadda BBC-da ayuu ka sheegay in gobolka J/hoose ay kula dagaaleen xooxo ay ma kamid yhiin Al-shabaab, Beesha Koblalax, Maxaakiimta Islaamka iyo ONLF.

Haddaba waxaa jirta koox uusan Col. Barre Aadan Shire Sheegin sheegin oo iyada laftigeedu ay dhici karto in ay ka kooban yihiin kooxo isbiirsaday, kuwaas oo ku abtirsada isla beesha uu Bare ka soo jeedo (Sade). Kooxda garabka ugu xogga badan waxaa hogaamiya Suldaanka Beesha Sade ee gobolka Jubda Hoose, Max'ed Madoobe Yarow.

Laga soo bilaabo burburkii Isbaysigii Dooxadda Jubba, suldaanku isaga ayaa xukumayeey guud ahaan gobolka Jubada Hoose gaar ahaan ammuuraha beesha ay Barre ku wadda abtirsadaan.

Awooda Suldaanku waxay kor u kacaday sannad ka hor markii uu dagaal kaga awood roonaaday guddoomiyihii gobolka Jubada hoose, Ilyaas Badel Gaboose iyo Col. C/risaaq Af-guduud. Wixii markaas ka danbeeyayna suldaanku wuxuu magacaabay xilal ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha degmada Kismayo, iyo laba gole (golaha siyaasada iyo golaha dhaqanka beesha Sade) oo intuba ay hal beel wadda yihiin. Xilalka uu Suldaanku magacaabay waxay ahaayeen kuwa dowlada oo kaliya ay macaabi karto. Waxaa intaas dheeraa, saddex bilood gudahood ayuu suldaanku magacaabay shan guddoomiye-siyaadeed oo isku hayb hoose.

In beel kaliyhi isku koobto dhul Soomaalida ka wadda dhexeeya waxay noqotay wax yaab ah! Waxaa kaloo la yaab noqotay in canshuurtii dadweynaha laga qaadayeey aan loogu qaban adeegii ay bulshadu u baahnayd, sida nabadgalyo, caafimaad, wershado, nadaafad iwm. Waxaa inataas dheeraa in khilaafka u dhexeeya kooxdii meesha haysatay in iyana idaacadaha laga wadda sheego!.

Foolxumadaasi waxay dhibtay intii waxgaradka beesha Sade ah oo mabda'iyan qabta in gobolka Jubada hoose uu yahay dhul soomaaliyeed oo cid gaar u sheegan karta aysan jirin, khayraadkiisana ay tahay in laga wadda faa'iideysto.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaasi waxay faraxgalisey Cabdullaahi Yuusuf oo tan iyo intii Co. Carisaaq Af-guduud Kismayo looga awood roonaaday sheegayeey in Kismayo ay gacanta ugu jirto argagixiso iyo beel, arrintaas oo saxaafaddu ay iyana si weyn u buunbuunisay.

Xilli labadii arimood ee C/laahi Yuusuf sheegi jiray ay midi dhacday (in qabiil Kismayo haysato) ayaa afar xildhibaan oo uu hogaaminayeey Gen. Axmed Warsame Max'ed waxay tageen Kismayo waxayna u sheegeen shacabkii Kismayo in maamul loo dhan yahay la dhisto gaar ahaan beesha Sade in aysan isku koobin maamulka Kismayo. Arrintaas waxa diiday maamulkii ka talinayeey Kismayo intiisii badnayd oo uu hogaaminayo Suldaanka Beesha Sade ee Jubooyinka Max'ed Madoobe Yorow, kuwaas oo ku adkaystay in beelihii Kismayo ku dagaalay oo deegaanka (Daarood) ku ahaa cid aan ahayn aysan talo ku lahyn.

Is-mari waa kadib ayaa waxa magaalada dhinac walba ka soo degay ciidammo meello kala duwan ka yimid oo sida la xaqiijinayo ay u yeerteen maamulkii diidanaa in sida ay wax ku socdeen wax laga badelo, waxaana la sheegay ciidammadaas siyaabo kala duwan wax loogu sheegay markii hore, walow la sheegayo in garab ka mid aha dhinacyada in qorshahooduba ahaa in xildhibaanda meesha laga saaro.

Xildhibaanadu war kama hayn in mindiyo loo lisanayo waxayna ka war heleen weerar lugu qaaday hal mar magalada gudaheeda iyo dacaladeedaba. Wax yar kadib intii uusan dagaalku bilaaban waxaa magalada ka baxay Suldaankii beesha Sade, Yarow!. ka dibna Bare Hiiraale oo markaas xildhibaanada ka joogay magalada waa laga saaray. Magaalada Kismayona waxay gacanta u gashay xoogag iskaashaday.

Markaas kadib ayaa Suldaankii dib magaalada ugu soo noqday, halkaasna waxaa mar kale ku cadaaday in arrintii kale ee C/llaahi Yuusuf sheegayeey ay run iyana noqoto, taas oo ahayd in argagixiso ay kismayo haysato.

Kooxdan maamulkii hore ee Kismayo ahi waxaa ka mid ahayeen raggii 2006, Maxkamadihii Islaamiga Kismayo keenay, haddana doonaya in ay Gedo geeyaan!! Raggan dhamaantood ma aqoonsana maamulka gobolka Gedo ka jira waxayna ku hayaan dhibaato joogto ah maamulkaas. Police-kii ayeey kala direen, marka ay rabaan ayeey xoog ku qabsadan magalada ay doonaan siiba Baardheere iyo Buurdhuubo.

Nasiib darada kale, kuwo isku sheegaya siyaasiyiinta iyo aqoon-yahannada beesha Sade oo dibadaha iyo gudahaba jooga ayaa arrintaas waxay ka yihiin la taliyeyaal.

Waxaan marka Barre Aadan Shire, waydiin lahaa raggani xagee ku tirsanyihiin? Maxaadse u sheegi wayday? Mise waad ilowday oo waad sheegi doontaa? Jawaabtaan sugayaa.


Waxaa kaloo dadka u dhashay gobolka Gedo iyo G/duud waydiin, Barre Hiiraale muxuu dhibaato idiin gaystay? Waa adinka Cabdullahi Yuusufna meel walba la tagaan amaantiisa Barrena nolosha u diidane?

Waxaan idiin sheegayaa haddaan nahay gabdhaha gobolada aan kor ku soo sheegay haduusan Barre Aadan Shire (Hiiraale) jiri lahayn nalama guursadeen, haddana waxaad waddaan in lana furo gunimo daraadeed!! Raga Barre cayrsanaya maxay raga soomaaliyeed wax ula qaybsa waayeen? Mise "qaawanaanshayga loo qoora dheer yahay!."

Raga Sade, siyaasad, dhaqaalo, ra'yi iyo karti midna malahan!! Iyagaa isu xoog badan. Sidaad cadowga ula duuban tihiin danihiina uma garan kartan.

Gabogabadii, waxaa xaqiiq ah laba arrimood oo midi tahay in ninmankan la'aantood aan Dooxaddii Juba iyo mida hadda dhacday midna aysan dhici lahayn; mida kale waxaa weeye Mareexaan dhibaato kale ma hayso nimankan mooyee. Waa niman ku mashquulsan dhibaataynta reerkan, reerkuna ma garan ee Kablalxa, Maxkamado iyo ONLF, ayuu eeda saarayaa. Nimankani ma aadaan Asmara, Jabouti iyo Addis midna oo waxay gacan yareyaal u yihiin niman meelahaas ku xiran.



Khadro Cismaan
Khadro2000@hotmail.co.uk

FG: Qoraalka sare waxuu xambaarsan yahay aragti cabirka iyo ra'yiga gaarka ah ee qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay, ciddii dooneysa in ay ka jawaabtana waxay kala xiriiri kartaa qoraha email-ka kor ku qoran.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

http://www.allgedo.com/Galged/maqaal%20 ... 20news.htm

Re: Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 2:30 am
by Murax
Great article, with some great ponts

"Kooxdan maamulkii hore ee Kismayo ahi waxaa ka mid ahayeen raggii 2006, Maxkamadihii Islaamiga Kismayo keenay, haddana doonaya in ay Gedo geeyaan!! Raggan dhamaantood ma aqoonsana maamulka gobolka Gedo ka jira waxayna ku hayaan dhibaato joogto ah maamulkaas. Police-kii ayeey kala direen, marka ay rabaan ayeey xoog ku qabsadan magalada ay doonaan siiba Baardheere iyo Buurdhuubo."

Perfectly stated, and this is what I was saying for weeks!

Re: Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 3:14 am
by Warsame101
Indeed good article, a bit too blunt though. :D

Re: Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 3:25 am
by Voltage
Waa adinka Cabdullahi Yuusufna meel walba la tagaan amaantiisa Barrena nolosha u diidane?


The lady seems to be awfully confused.

She labels the group led by Suldaan Yarrow (as she says) which presumably included Xassan Dheere and Farax Taano

-one time as Al Shabaab and that they take Buurdhuubo and Baardheere "at will"
-one time as praising Abdullahi Yusuf and hating Barre Adan Shire

How do you work for Al Shabaab and praise Abdullahi Yusuf?

Also, is not this group the group that expelled Afgaduud and the fake TFG admin?

Where they working for Al Shabaab at that time as well as praising Abdullahi Yusuf?

Re: Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 6:59 am
by QansaGabeyle
Kooxda garabka ugu xogga badan waxaa hogaamiya Suldaanka Beesha Sade ee gobolka Jubda Hoose, Max'ed Madoobe Yarow.


Is this really true? Wallahi if this is the case, I am ashamed of my abti. :down: That fake suldan title should be taken away from him. :x

voltage, this lady is right. the al shabaab group and their marexaan cheerleaders are nothing but problem for beesha. why the fock would they fight to dismantle the police force in gedo? :x

Re: Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 8:20 am
by Voltage
Qansa, I did not say the lady is right or wrong. Rather I commented on her own work and the fact that it contradicts each other.

She is emotional. Not necessarily informed but emotional. Dhiig bey leedahay lakiin waxay qortay wax is waafaqsan maaha.

In the same opinion circle Cool got this article from, there is another anti-Barre piece written by a Mareexaan. Does that mean that guy is informed or just emotional?

Too many emotions floating around and not enough facts. Read that article on Allgedo written by "Sadat Geesh" or something and see what I am talking about.

Re: Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 9:03 am
by S-D-M
War marexaan waa la'idin karbaashay ee meel naga fariista.

Whether marexan was supporting or not Kablalax are claiming they have reach a victory........give the nigggaz a credit for playing divide and conquer tactics and move on....


Aniga koley I learned a lesson which is don't trust someone cause he/she share the marexaan name with me.

Re: Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 9:08 am
by Warsame101
S-D-M wrote:
Aniga koley I learned a lesson which is don't trust someone cause he/she share the marexaan name with me.


:lol:

Re: Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 9:13 am
by S-D-M
Warsame101 wrote:
S-D-M wrote:
Aniga koley I learned a lesson which is don't trust someone cause he/she share the marexaan name with me.


:lol:



Abti marexaanimo was wounded long time ago and died yesterday.....

Wallahi waan yaabey baryahan......Aniga marexaanimada sifican baan uqimeyn jiray lakin waxaan ogaaday iney kugudaran yihiin kuwa kugu dhow.

Markaa waxaan inleeyahay iska iloowa nin walba naftaa iyo familkaa

Re: Barre Hiiraale qaar buusan Sheegin!

Posted: Wed Sep 03, 2008 9:16 am
by Warsame101
S-D-M wrote:
Warsame101 wrote:
S-D-M wrote:
Aniga koley I learned a lesson which is don't trust someone cause he/she share the marexaan name with me.


:lol:



Abti marexaanimo was wounded long time ago and died yesterday.....

Wallahi waan yaabey baryahan......Aniga marexaanimada sifican baan uqimeyn jiray lakin waxaan ogaaday iney kugudaran yihiin kuwa kugu dhow.

Markaa waxaan inleeyahay iska iloowa nin walba naftaa iyo familkaa


:lol: Don't worry adeer, once we return, a few weeks will be dedicated to clean our house from the waste.