Update:
1. Red Berret (Koofiyad casta) veterans have joined the army. They use to be most trained unit in Somalia.
2. Veterans who participated in the USC-SNF war have joined.
Unity is nearing, insha'Allah.
Balad-Xawo Oo Ay Buux-dhaafiyeen Dhalinyarada Doonaya Inay Ku Biiraan Ciidanka Beesha Sade Ee Uu Horkacayo Xildhibaan Barre Hiiraale - Maxaase Ka Soo Baxay Wada Tashigii B/xaawo
B/Xawo, Sept. 7, 2008. Magaalda xuduuda ku taala ee B/Xawo ayaa sadexdii bari ee la soo dhaafay waxaa ku soo qulqulaya dhalinyarada deegaan ee ku abtirsada beesha Sade. Dhalinyaradaan ayaa iyagu doonaya inay kamid noqdaan ciidan baaxada weyn ee uu wato Xildhibaan Barre Adan Shire - Hiiraale oo asaga iyo ciidankiisu ay halkaasi gaareen kadib markii huwan ay hormuud ka yihiin xoogaga Al-shabaab ay ka soo saareen deegaankoodii Jubada Hoose gaar ahaan magaalada Kismayo.
Waxaa magaadala buux-dhaafiyay dad cusub oo iyagu si aan kala joogsi lahayn u imanaya magaalada saacad walba si toos ahna isaga xaadirinaya xarunta saldhiga ciidanka beesha Sade. ciidanka cusub ee iyagu imanaya B/xawo ayaa isugu jira dhalinyaro cusub iyo rag khibrad ciidan leh oo horey uga soo tirsanaan jiray ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed ayana kamid yihiin qaar kamid ahaan ciidankii loo yiqiinay KOOFIYAD CASTA ama "Poliso Milarate" ee sida aan caadi ahayn u tabo barnaa. Waxaa kaloo kamid ah dadka shaqsiyaad si-weyn looga yaqaan gobolka Gedo oo intooda badan ka qeyb-qaatay halgankii USC looga saaray gobolada Koonfureed ee gobolka Gedo hormuudka u yahay.
Go'aamadii wadatashiga beesha:
Hogaanka sare ee ciidankaan iyo saraakiisha ayaa siweyn ugu hawlan sidan dib-u habayn ciidan ugu samayn lahaa yeen dhalintaan ayagoo ilaa iyo hadan shirar gooni gooni ah la qaadanaya, hogaanka dhaqanka ee beesha Sade. Wadatashiga ay hogaanka dhaqanka iyo hogaanka siyaasada ee ka socda B/xawo ayaa isna ah mid siweyn laysugu afgartay, ,go'aamo la taaban karana ka soo bexeen. Go'aamadaas waxaa kamid ah in ay socdaan shirarka wada tashiga ee iminka bilowday. Waxaa kaloo kamid in go'aan toos ah laga qaato dhamaan mabaa diida ku salaysan seef la boodnimada diimeed ee hore u bur-burisay gobolka Gedo intii u dhaxaysan 1996-1998. Waxaa kaloo kamid ah in aan inaba raali laga ahayn dulmiga lagula kacay dadka deegaanka Kismaayo ee horseeday in kumanaanka qof isga baxaan Kismaayo, ayadoo laysla gartay in xoog ciidan la mideeyo, wada hadal lala galo qabiilada deegaan wadaaga la yahay, gacan adagna laysaga qabto kuwa qas u joogaa ee fawdada ka wada deegaanka beesha Sade, waa ururda Al-shabaabka iyo Midowga Maxaakiimtee.
Si kastaba ha ahaatee, waxaad can in mar-kale xaalad colaadeed aloosantay, ayna arrintu dib ug u noqotay sanado kahor makii sidaan oo kale ay qeybo badan oo kamid ah dalka gacanta ku dhigeen kooxa xag-jirkaa ee sheegta Midowga maxaakiimta iyo ururka al-shaabaab ee caalamku u aqoonsado mid argagixiso. Taasoo natiijadeedii noqotay mid khasaare aad u weyn keentay ayana ugu danbayn keenay in beesha Sade deegaankeedii si buuxda u maamulato.
JN, B/xaawo.
http://jubanet.com/Baladxawo.htm