Maamulka Beledxaawo oo si kulul uga hadlay shir beeleed ka socda mag. Bu'aalle
Maamulka degmad Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa manta si kulul uga hadlay shir beeleed degmada Bu'aalle ee xarunta gobolka J/dhexe uga socda beesha Absame, kaasoo uu ku tilmaamay maamulka mid xaq darro ah oo ay ka danbeysa maskaxdii magaalada Kismaayo looga saaray maamulkii ka arrinmin jiray, isagoo dalbaday in sida ugu dhaqsaha badan jawaaba cad looga bixiya waxa uu ugu yeeray shirqool
Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ee xadka ku taal Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) oo wariyeyaasha manta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay in shirka mudada dhowrka cisho uga soconaya magaalada Bu'aalle isimo iyo hoggaamiye dhaqameedyo ka tirsan beesha Absame uu yahay shir beelaha dega gobolka Gedo lagu dulminayo, taasoo muujineyso ayuu yiri in qaabaa'ilaad isbiirsaday ay qabsadeen Kismaayo.
''Anaga shirkaas Bu'aalle laga soo sheegayo wuxuu runtii cadeyn fiican u yahay arrintii aheyd in magaalada Kismaayo beel ay qabsatay, ka ogaaln meyno kuwa magaca qabiilka huwan in ay dadkeena barakiciyaan, waan la socaan in shir ku sheegga Bu'aalle uu yahay shirqool loo maleegayo reer Gedoodka'', ayuu yiri Burkuus oo shir jatraa'id qabtay maanta.
Ku dhawaad toddobaad waxaa ka soconayo magaalada Bu'aalle shir lagu tilmaamay in uu yahay mid looga hortagayo abaabullo ciidan oo la sheegay in ay ka soconayaan gobolka Gedo iyo sidoo kale isdifaacid deegaanada ay degto beesha Absame.
Wararkii u danbeeyey ee shirkaas waxa ay sheegayan in lagu kala qeybsamay oo xubnaha qaarkood ay isaga baxeen kadib markii xubnaha ka qeybgalayo qaar kamid ah ay soo jeediyeen in laga tanaasula in beel ka tirsan kuwa Doraad si khaldan loo fahmo, odayaal uu kamid yahay duubka dhinaca dhaqanka u sareeya beesha Absame ayaa warku tibaaxayaa in caro iyo xanaaq awgiis uu shirka kaga maqan yahay dhowr maalmood.
Maxamed Qani Xuseen (Kuus), Gedoweb Beledxaawo.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=764



