Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Baaq Nabadeed Oo Ku Wajahan Beesha Galgaduud Bari

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Baaq Nabadeed Oo Ku Wajahan Beesha Galgaduud Bari

Postby CoolPoisons » Sun Oct 26, 2008 5:40 am

KA: Jaaliyadda Beesha Galgaduud Bari ee magaalooyinka London, Birmingham iyo Leicester ee dalka Ingriiska.
KU: Odayaasha dhaqanka beesha Galgaduud Bari
KU: Culumaa'u diinka beesha Galgaduud Bari
KU: Aqoonyahanka beesha Galgaduud Bari
KU: Jaaliyadda beesha Galgaduud Bari ee dalka iyo dibaddaba
Ujeeddo: Baaq nabadeed

Anagoo aad uga xun dhibaatooyinkii iyo dilalkii maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Caabudwaaq oo ah magaalo nabadeed ayaa waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bulshada walaalaha ah ee reer Caabudwaaq in xilligaan uusan shaydaan hogaanka u qaban. Isla markaasna ay wixii khilaaf ama dhibaato ah oo dhexyaal ay si nabad ah ugu dhamaystaan wada hadal. Maalmo kooban oo kaliya ayaa ka soo wareegay markii ay gudaha degmada Caabudwaaq dad maata ah oo reer caabudwaaq ah ugu geeriyoodeen dhibaatooyinkii badnaa ee ay abaaruhu keeneen.

Haatan oo ALLAHA awoodda leh uu ka saaray abaartii iyo roob la'aantii dhawrka sano oo xiriirka ah haystay oo uu Alle siiyay xareed iyo barwaaqo badan, aysan meeshii ay ALLAHOOD uga shukriyi lahaayeen, aysan haatan abaartii ku beddalan kibir iyo colaad sokeeye oo aysan u baahnayn.

Haddaba waxaan mar labaad ugu baaqaynaa Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanka, Culumada diinta, Dhalinyarada iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshadaba ay si wada jir ah isla markaasna deg deg ah loo xakameeyo xiisadda iyo isku dhacyadii hubaysnaa ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Caabudwaaq. Ugu dambayntii waxaan ALLAHA awoodda leh ka baryaynaa in ummadda Soomaaliyeed oo ay abaaraha iyo colaaduhu la degeen uu dhibka ugu beddelo barwaaqo iyo nabad waarta.

Wa bilaahi tawfiiq
25-10-2008

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests