xildhibaan Xasan Deer, Al shabaab Waa Shaydaamiin!
Xildhibaan Xasan Cabdi Xiireey (Xasan Deer) ayaa maanta shir jaraaid uu uu ku qabtay hotelka uu ka dagan yahay magaaladda nairobi kaga hadlay xaaladda dalka soomalia iyo guud ahaan xaaladdaha ka cusub goboladda gedo iyo jubooyinka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xaaladda dalka soomalia ay kasii darayso marka la fiiriyo xiliyadaan dambe sidda xaalku isku badalay.sidoo kalle xasan deer ayaa ku cambaareeyay al shabaab dilkii ka dhacay magaaladda kismaayo oo ahayd qasaas loo gaystay gabar lagu sheegay 14 jir isla markaana lagu ee deeyay inaay gogol dhaaf samaysay.
Mar aay warbaahinta gedoonline waydiisa xaaladda gobolka gedo iyo waxa uu kala socdo qabsahadda garbahaareey.ceelwaaq iyo baardheere kooxaha dowladda mucaaradka ku ah ayuu sheegay in ay yihiin shaydaamiin loo soo diray dadka soomaliyeed isla markaana meel uga dhacay diinta islaamka.
Maalin walba waxaad maqlaysaa waxaa la dilay nin habel iyo hebel waxaana dilay niman gafuuraddu u duuban yihiin waana waxaan soomalia lagu aqoon ayuu yiri xildhibaanka oo ay kamuuqatay shucuur xoogan asaga oo intaasna ku daray in dhawaan ciidamadda xildhibaan Barre Hiiraale ay howlgalo ka samayn doonaan dhamaan goboladda koonfurta soomaliya asago oo intaasna sii raaciyay in uu san barre kismaayo oo kaliya ku ekeyn ee dalka laga sifayn doono waxa uu ku sheegay niman gafuuradda duubtay.
Isku soo wada duuboo guud ahaan xildhibaanadda dowlada kmg ah ugu jirra goboladda Gedo,Glagadud iyo Jubooyinka ayaa taageero buuxda u muujiyay tabaabushaysiga uu ku jirro Barre hiiraale taas oo uu ku rogaal celin doono todobaadyadaan goboladdii dib looga hantay.
Cali Yaasin Gurbe.{kiimiko}



