BeledXaawo 30 Janaury 2009 Waagacusub Media


Howlo indhafiiqid ah oo 4 maalmood ka soconayay isbatalka Jubba National Hospital ee magaalada B/xaawo ayaa lasoo gabagabeeyay.
Kudhawaad 800 oo bukaano ah ayaa isu diiwaan galiyay in cudurada hayo laga daweeyo ayadoo 200 oo qof ay nasiib u heleen in aragoodii dib loogu soo celiyo, bukaanadii waayay qalniinkana dawooyin iyo talooyin wax ku ool ah ay dhakhaatiirtu siiyeen.
Dhakhaatiirtan oo si bilaash ah ku fulinayay qalniinka indhofiiqa ayaa waxaa ka faa’iidaystay bukaano ka kala yimid degmooyinka gobolka Gedo, magaalada Mandera iyo deegaanada ku xeeran iyo degmada Doolow Ethiopia iyo deegaanada hoos yimaada.
Dr. Maxamed Dhayloow Nuur oo ka howlgala Isbatalka National Eye Center ee magaalada Muqdisho kana mid ahaa dhakaatiirtii qalniinka sameenayay ayaa waxaa uu iiga warbixiyay sida ay qalniinka iyo daweynta ugu guulaysteen “Waa alle mahadii waxaa is diiwaan galiyay bukaano gaarayo 800 qalniinkana waxaa ka faa’iidaystay 200 oo cuduro indhaha qabay bukaanadii kale ee soo harayna waxa ay noqdeen kuwo aan indhahooda wax laga qaban karin sidaas daraadeed waxaan siinay dawooyin iyo talooyin.” Ayuu yiri Dr. Dhayloow
Dhakhtarka ayaa sheegay in cudurada indhaha ay ku arkeen deegaankan ay inbadan shabahaan kuwii ay kusoo arkeen gobolada dalka, wuxuuna intaasi ku daray in dhanka dhaqaalaha ay gacan weyn ka gaystay jaaliyada Kafaala oo soo martay hay’adda Manhal abaabulkeedana waxaa lahaa dhakaatiirta magaalada B/xaawo.





