Dagaalo Dhimasho iyo dhaawac sababay oo labo maleeshiyo beeleed ku dhex martay degaano ka tirasan dhulka ismaamulka Soomaaliya Ethiopia.
Dagaalo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa labo maleeshiyo beeleed oo Soomaali ah ku dhex maray deegaano ka tirsan dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegayaa in ay ka dhaceen galinkii dambe ee shalay deegaanka Neef ku cesho ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
Warar laga helayo tuulada Laaso Caanood ayaa sheegaya ilaa 6-ruux in ay ku nafwaayeen dagaalkaasi oo galinkii dambe ee shalay ka soo cusboonaatay nawaaxiga deegaanka Neef ku ceshe,waxaana dagaalkani uu u dhaxeeya labo maleeshiyaad oo Soomaali ah oo ku wada dhaqan deegaankaasi.
Majirto isku day la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo labadaasi maleeshiyo beeleed,waxaase qaar ka mid ah dadka deegaankaasi ay sheegeen in xiligii dagalaakaasi uu Dhacayay halkaasi ay gaareen ciidamo Ethiopian-ah kuwaasi oo aan wax saameyn ah ku yeelaan joojinta dagaaladaasi.
Dagaalada iyo dirirta ka soo cusboonaatay deegaanka Neef ku ceshe ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa dadka deegaankaasi waxaa ay ku aanaynayaan in ay lug ku leeyihiin xoogag ka dagaalama qeybo ka mid ah dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
Dagaaladaani ayaa waxaa ay cabsi balaaran ku beereen dhamaan dadka degaankaasi degan iyo qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah kuwaasi oo ka baqanaya in ay dagaaladaasi saameyn buuxda ku yeeshaan,waxaana jira baaqyo kala duwan oo ka soo yeeraya odayaasha ka soo kala jeeda beelaha halkaasi ku dagaalamay.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
http://www.shabelle.net/news/viewnews.asp?newsid=4536



