Qaban Qaabadi Shirka Beesha Sade Oo Ka Socota Magaalada Garbahaarey.
Mar 07,2009
by Garbahaarey-Gedo-News
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in shirkii ay beesha sade ku balansanayd in uu ka dhaco gobolka gedo si wayn looga dareemayo qaban qabadiisa magaalada Garbaharey ee gobolkaasi.
Magaalada garbahaary iyo guud ahaan gobolka gedo ayaa soo gaadhay wufuud badan oo kala timi gobolka gedo iyo meello kale oo ka baxsan gobolkasi, dadweynaha ku dhaqan magaalada garbaharey ayaa iyaguna dhankooda uga diyaar garoobaya soo dhaweynta wufuud ka gedisan ee ku soo fool leh gobolkaasi si ay uga qayb qataan shirka guud ee beesha sade darood ku leedahay magalaada Garbaharey.
Maanta ayaa waxaa magaallada garbaharey soo gaadhay odayaal dhaqmeedyo ka kala yimi qaybo ka mid ah gobolka gedo,kuwaas oo u diyaar garoobaya ka qayb galka shirka beesha sade, shirkaas oo sida la sheegey looga arrinsan doono danta iyo aayaha guud ee beesha sade.
sidoo kale waxaa aad loo qurxiyey magaalada garbahaarey maadama shirkani noqon doono shirkii ugu weynaa ee ay beesha sade isugu timaado tan iyo intii ay dhacdey dawladdii soomaaliyeed, shirkan oo sida la sheegey ay imaan doonaan wufuud kala timaada dalalka Waqooyiga Ameerica iyo yurub,waxaana la filayaa in shirkaasi ay isugu yimadaan Aqoonyahano,siyaasiyihiin kuwaas oo ka arrinsanaya danta guud ee beesha sade.
Garbahaarey-Gedo-News
http://www.gedonet.com/index.php?news=4764




