Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ay ururka Al shabaab ku lahaayeen Baardheere waxaana werarkaasi ka hadlay ururkaasi.
Fariisimo ay ururka Al shabaab ku lahaayeen magaalada Baardheere ee gobola Gedo ayaa waxaa lala beegsaday weerar iyadoo xalay rasaasta ay labada dhinac is weydaarsadeen socotay qadar daqiiqado ah ayaa waxaa la tilmaamay in uu u dhexeeyay ururka Al shabaab ee gacanta ku haya Baardheere iyo maleeshiyaad la sheegay in ay taabacasan yihiin culumaa’udiin ku sugan Baardheere oo horay dagaal dhimasho iyo dhaawac dhaliyay uu u dhex maray ururka Al shabaab.
Goobaha ay dagaalada ka dheceen ayaa waxaa ka mid ah Buunadada magaalada iyo weliba masjidka sheikh Awoow sida uu shabelle u sheegay Madaxa Ammaanka ee ururka Al shabaab ee magaalada Baardheere Faaraxa Xiish Muxumed (Abuu Shureym) oo ku eedeeyay dagaalkaasi in ay ka danabeeyeen ragii dhawaan dagaalka magaalada Baardheere ka bilaabay,waxaana uu sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaasi.
Ma cadda illaa iyo hada cid wax ku noqotay iska horimaadkii koobnaa ee xalay ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo,waxaana sidoo kale inoo suuroobin isku day aanu ku dooneeynay in aan dhinaca kale wax ka weydiino dagaalkaasi.
Tan iyo markii dagaalada ay dhawaantani ka dheceen magaalada Baardheere ayaa waxaa sii xoogeysanayay dhaq dhaqaaqayada iyo abaabulada ay wadaan dhinacyada iska soo hor jeeda taasi oo ay guluf ugu jiraan in mar kale uu dagaal ku dhex maro gudaha magaalada Baardheere.




