Maleeshiyaadka Barre Hiiraale oo beeniyay in askar kaso goosatay ay isku soo dhiibeen xoogaga Islaamiga ah ee Gedo.
Soomaalinews.com 01 Apr 09, 07:35
Afhayeen u hadlay maleeshiyada uu hogaaminayo Barre Aadan Shire Hiiraale ee ku sugan Doolow Itoobiya ayaa beeniyay warar shalay soo baxay oo sheegayay in ku dhawaad 100 askari oo katirsanaa Ciidanka Barre Hiiraale ay isku soo dhiibeen xoogaga Xisbul Islaam ee ku sugan magaalada Luuq ee gobolka Gedo.
Barre Cali Barre ayaa sheegay in ay wararkaasi waxkama jiraan yihiin isla markaana aysan jirin wax ciidamo ah oo dhankoda kasoo baxsaday kuna biiray xoogaga ay dagaalka kula jiraan.
Balse afhayeenku waxaa uu qiray in ay jiraan gaadiid la waayay oo ahaa kuwa xamuulka isla markaana ay lahaayeen Maleeshiyadooda balse aysan jirin wax ciidamo ah oo kasoo baxsaday sida uu sheegay.
Shalay ayay aheyd marki Ururka Xisbul Islaam ay baahiyeen warar ku aadan in ay maleeshiyaad kor u dhaafaya 100 askari oo kamid ahaa kuwii Barre Hiiraale ay kasoo tageen ayna isku soo dhiibeen xoogaga Islaamiga ah.
http://www.soomaalinews.com/view_conten ... leid=12416



