Idaacadii Radiyo Maandeeq Oo Hawada Dib Ugu Soo Noqotay
Apr 11,2009
by B/Xaawo-Gedo-News
Idaacadda Maandeeq ee magaalada Beledxaawo oo muddo 24 saac ah xirnayd, kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka arrimiya magaalada Beledxaawo ayaa maanta hawada dib ugu soo noqotay ka dib markii ay maamulka idaacadda Maandeeq iyo ururka Al-Shabaab xubno sarsare oo ka socda kulan qaateen maanta gudaha magaalada.
Barasaabka ururka Alshabaab u qaabilsan gobolka Gedo ayaa waxa uu kulankaas ka hor sheegay in idaacadda qalad lagu haysto, isla markaasna shaqaalaha idaacadda ay hawshooda wadan karaan, wuxuuna kulankii maanta ee labada dhinac sheegay barasaabka in ay khalad ahayd in idaacadda la weydiiyo jadwalkeeda shaqo. Wuxuuna qiray in idaacaddu ay hawlo muhiim ah u haysay bulshada, wuxuuna sidoo kale ka cudur daaray wixii dhacay isagoo shaqaalaha idaacaddana ka codsaday inay hawshooda wataan.
Maamulka sare ee ururka Al-shabaab ayaa waxa ay muujiyeen in khaladaadka la galayo haddiiba ay jiraan looga wadda hadlo si deggan, waxana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in maalmo idaacaddu ay xirnaato.
Haatan idaacadda 12kii duhurnimo ayaa dib hawada loogu soo celiyay iyada oo aan barnaamijyadeeda, heesaheeda iyo dhammaan jadwalkeeda waxba laga fara gelinnin. Idaacadda Maandeeq ayaa maalintii Khamiista waxaa irdaha u laabay ururka Alshabaab ee degmada Beledxaawo ka arrimiya.
Gedonet news-B/Xaawo



