Golaha nabadeynta ee howlo nabadeyn ah ka waday gobolka Gedo oo sheegay in xoogaga gobolkaasi ay ka ogolaadeen in masuuliyiinta dowladda ee ku sugan Doolow ay si nabad ah ku soo galaan gobolkaasi.
Posted: 5/5/2009 4:07:00 PM
Shabelle: BAARDHEERE
Golaha nabadeynta ee howlo nabadeyn ah ka waday gobolka Gedo ayaa sheegay in xoogaga gobolkaasi ay ka ogolaadeen in masuuliyiinta dowladda ee ku sugan Doolow ay si nabad ah ku soo galaan gobolkaasi.
Gole nabadeed oo ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in masuuliyiinta xoogaga Islaamiga ah ee gacanta ku haya gobolkaasi ay ka ogolaadeen in masuuliyiinta dowlada ee ku sugan degmada Dooloow ee gobolkaasi ay ka ogolaadeen in si nabad ah gobolkaasi ay ku galaan.
Daa’uud Max’ed Xuseen oo ah gudoomiyaha gole u istaaga xalinta qilaafaadka xoogaga islaamiga ah ee gobolka Gedo iyo maamulkii dowlada ee gobolkaasi oo ku sugun qeybo ka mid ah gobolkaasi ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayaan dhex dhexaadintooda.
Waxaa uu masuulkaasi intaa ku daray in xoogaga Al shabaab iyo kuwa Xisbul islaam ay ka ogolaadeen dedaalkaasi ayna ku wara galiyeen in masuuliyinta dowlada ee ku sugan degmada Dooloow ay soo gali karaan gobolkaasi iyagoo nabad ah.
Daa’uud ayaa intaasi raaciyay in Barre Hiiraale uu ka aqbalay dhex dhexaadinta ay wadaan.
Gudoomiyaha gole u istaaga xalinta qilaafaadka xoogaga islaamiga ah ee gobolka Gedo iyo maamulkii dowlada ee gobolkaasi ayaa sheegay in ay u tagayaan masuuliyiinta gobolka Gedo ee maamulkii dowlada ee ku sugan degmada Doloow is ay u sii dhameystiraan howlaha nabadeeynta ay wadaan,waxaana uu dowlada Ethiopia ku eedeeyay in ay hubeyso dhinacyada u gudba dhankeeda si ay dagaal ugu soo qaadaan dhanka kale.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.






