Madaarka Magaalada Caabudwaaq Oo Muddo 5 Sano Kadib Dib Loo Furay (Daawo Sawirada)
Ku dhowaad 5 sano oo uu xirnaa Airport ka magaalada ayaa waxaa maanta oo ahayd furitaankiisii kasoo dagay xubno wafti ah oo ka kala socday hay`adaha UNICEF iyo WFP kuwaas oo ay siday diyaarada soogaartay Airportka, waxayna gaarayeen ilaa 8 xubnood oo kala ahaa 6 ajaaniba oo kala ahaa 3 dumara iyo 3 ragga halka 2 kalana ay ahaayeen Soomaaliya.
Xubno isugu jira maamulka dagmada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku soodhaweeyay waftiga Airport ka iyo magaalada waxaana intii ay joogeen magaalada ay soo kormeereen goobaha lagu barakacay iyo adeegyada bulshada iyagoo markii danbe kulan layeeshay maamulka oo ay uga mahad celiyeen qaabka ay isugu hawleen habaynta Airpor ka iyo dayac tirkiisa iyagoo sheegay inay ku dhibqabeen safarka dhulkaa markay ka soodagaan Dhuusa-mareeb.
Waxaa isugu tagay boqolaal dad wayna ah kuwaasoo katagay dagmada si ay uga qaybgalaan xaflada furitaanka Airport.ka Moqor kaasoo 5 km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada si ay umuujiyaan dareenkooda farxaded ee kuwajahan Airport.ka. Madaxda maamulaka culimada Sixidda Siyaasadaha isdiidan ee Soomaaliya ee Ehlu Sunna Wal jameeca ayaa usheegay ganacsatada iyo hayadahaba inuu ufuran yahey oo ay isticmaali karaan iyagoo intaasi ku darey inay wali wadaan dayac tirka iyo balaarinta Airport.ka oo ay maalmahan gacanta kuhayeen.
Gudoomiyaha maamulka culumada Ehlu suna ee degmada Caabudwaaq sheekh Bashiir Cabdi Colaad ayaa ugu baaqay cidkasta oo kashaqaynaysa dagmada ama wax ugu qabanaysa inuu ufuranyahay oo aanay jirin shuruud ama qarash wax lagu xirayo oo ay isticmaali karaan waqtigii ay ubaahdaan waxaana halkaasi lageeyay ciidamo katirsan maamulka Sunniga si ay ammaanka Airport.ka u dhawraan.
http://www.gedonet.com/index.php?news=5479