Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Maamulka Islaamiga degmada Baardheere

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Garbo_Gedo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1138
Joined: Sun Mar 29, 2009 10:42 am
Location: Gedo, Baladki Amiirada

Maamulka Islaamiga degmada Baardheere

Postby Garbo_Gedo » Mon May 18, 2009 4:46 pm

Maamulka Islaamiga degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo soo saaray awaamiir ku wajahan shacabka ku dhaqan degmada
May 18,2009
byB/Dheere-Gedo-News

Maamulka Cusub ee Islaamiga ee degmda Baardheere Gobolka Gedo ayaa soo saaray Amaro cusub oo la xariira xiliyada salaadaha iyo isku socodka dadka iyo gaadidka xiliyada habeenkii ah waxaana ay sheegeen in cidii raaci weysaa amaradaasi ay mutaysan doonto ganaax lacageed iyo xarig.

Amaradaan cusub ee ay soo saareen maamulka Islaamiga ee degmada Baardheere ayaa waxaa ka mid ah in dhamaan alabada la isugu dhifto xiliyada saaladaha qofkii xiligaasi lagu arkaa isagoo goobtiisa ay furantahay ama dhex wareegaya gudaha Magaalada waxa ay sheegeen in la xiri doono mudo 5-maalin ah lagana qaadi doono ganaax lacageed oo gaaraysa 500 oo shilin Soomaali ah.

Madaxa Amniga Maamulka Islaamiga degmada Baardheere C/laahi Cusmaan Qorax (Gardhuub))oo xalay u waramayay Gedonet ayaa sheegay in dad weynaha ay ku wargaliyeen in ay u hogansamaan awaamiirtaasi isagoo intaasi raaciyay in amarkaani uu rasmi ah u dhaqangalayo maanta.

C/laahi Cusmaan Qorax ayaa waxaa uu soo hadal qaaday bandow maamulkii islaamiga ahaa ee ka horeeyay ay magaalada ku soo rogeen kaasoo ka bilaabanayay 10-ka fiidnimo waxaana uu sheegay in uusan bandowgaasi waxba iska badalin cidii lagu arkaa iyadoo habeenkii wareegeysana talaabo laga qaadi doono.

Mar aan wax ka weydiinay waxa ay kala socdaaan Qalab isugu jira Biro iyo Silig ku wareegsanaa Garoonka Diyaaradaha Bardheere oo si tuuganimo ah maalmo ka hor looga soo xadey garoonka ayuu sheegay in ay la socdaan qalabkasi iyo ragii ka dambeeyay,waxuuna tilmaamay in dhowaan arinkaasi ay go,aan ka qaadan doonaan.
Si kastaba ha ahaatee ma’ahan markii ugu horeysay oo awaamiir noocani oo kale ah lagu rogo dadka ku dhaqan magaalada Baardheere inakastoo amarkaani uu u muuqanayo mid ka duwan kuwii hore.

http://www.gedonet.com/index.php?news=5604

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests