Haweenka Ururka WAMO Oo Mashruuc Hormarin Ah Ka Bilaabay Deg Baledxaawo Ee G/Gedo
[2009-05-19 19:12:06] Howlahan Horuminta ah oo looga gol leeyahay in wax loogu qabto dadka dabarta yar gaar ahaan carruurta iyo mashaariic la xiriirta arrimaha bulshada ayaa laga bilaabay degmada baledxaawo ee Gedo.
Barnaamijkan oo si toos manta laga bilaabay gudaha deg Baledxaawo ayaa lagu dhisayaa gobo isugu jira Masjid, Dugsi Quraan Iyo Goob Iskuul ah oo ay wax ka baran doonaan gabdhaha agoonta ah iyo qoysaska saboolka ah kuwa ay dhaleen.
Dhismayaashan ayaa waxaa saaka dhagaxa dhigay Xaawo Ugaas Faarax oo ah Gudoomiyaha WAMO Somali Women Development Organisation ( WSWDO) .waxaana xaawo Ugaas faarax oo dhawaan dib ugu soo laabatay gobolka ay shaaca ka qaaday xilli ay dhagaxa ugu horayay dhigaysay in mashruucani uu qeybka yahay sidii looga gudbi lahaa jahliga iyo dhibaatada saboolnimada.
Dhismayaasha manta la bilaabay ayaa waxaa lagu wadaa in ay wax ku bartaan inkabadan 50 cunug halkii mar, iyadoo carruurtaasina ay noqon doonaan sida ay sheegayso xaawo ugaas Faarax.
Xaawo Ugaas Faarax ayaa sidoo kale xustay in ay maanka ku haysay himilooyinka ay iminka bilowday,waxaana ay carabka ku dhifatay in ay howshaani ay gacanta ku hayso uu si gaar ah Ururka WAMO u fulinayo balse aysan jirin cid ka caawisay.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Ee WAMO ayaa ka codsatay ganacsatada, jaaliyadaha dibadaha iyo hayaddaha in ka qeybqaataan mashaariicda horuminta arrimaha bulshada si ay fursad wanaagsan u helaan jiilka dhibaataysan oo la soo kofayay dowlad la'aan.
Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... hp?id=2347











