Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

thousands Sade Mujahids ready in Dolow

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

thousands Sade Mujahids ready in Dolow

Postby CoolPoisons » Mon Jun 01, 2009 11:11 am

Wararka aan ka helayno Degmada Dooloow ayaa sheegaya in ay halkaasi Maleeshiyaad ay hor kacayaan Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada KMG ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Degmada Dooloow.



Sida wararka aan ku helayno dhaq dhaqaaqyada Ciidan ayaa la sheegay in ay ku wajahan yihiin ilaa shan gobol oo ka tirsan Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya, halkaas oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Al-shabaab iyo Xizbul Islaam oo ay dagaalo kala dhexeeyaan dhinacyadaasi.



Col: Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah Saraakiisha horkacaysa Ciidamadaasi ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay dagaal laba waji leh ay ku soo qaadi doonaan Gobolada, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubooyinka si ay u wiiqaan awooda xoogaga islaamiyiinta ay ku leeyihiin gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.



Col: Warfaa Sheekh Aadan waxa uu sheegay in abaabulkaasi uu hor boodayo Xildhibaan Barre Aadan shire {Hiiraale} iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkan ku sugnaayeen degmada Dooloow.



Sidoo kale xoogaga islaamiyiinta ee gacanta ku hayaan Gobolada koonfureed ee Soomaaliya ayaa dhankooda bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah dhinacyadaasi, waxayna heegankii ugu danbeeyey geliyeen Ciidamada ku sugan Goboladaasi.



Dhaq dhaqaaqan ciidan ay wadaan Xildhibaanada iyo Saraakiisha ka arrimin jireen Gobolada Bay, Bakool, Gedo iyo Jubooyinka ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan kumanaan Ciidamo ah ay tababar ugu soo dhammaadeen Degmada Dooloow, isla markaana ay heleen agab milatari oo dhamaystiran.

http://www.gobolada.com/view_contents.p ... cleid=3908

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: thousands Sade Mujahids ready in Dolow

Postby CoolPoisons » Mon Jun 01, 2009 11:12 am

Doolow: Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa oo ku jira diyaar-garoow dagaal

Doolow(AllPuntland)- Col. Barre Aaden Shire (Hiiraale) & ciidamo ka amar qaata ayaa ku jira diyaar-garoowgii ugu dambeeyey oo ku doonayaan in ay ugu soo baxaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana deegaanada Gobalka Gedo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Barre Hiiraale oo la hadlay AllPuntland ayaa sheegay in ay ku jiraan gurashada boorsooyinkooda oo ay ugu soo guurayaan gudaha dalka Soomaaliya, waxa ayna ku sii jeedaan gudaha gobalka Gedo oo ay ku galayaan dagaal qaraar oo ay la galaan dhinacyada maamulaya gobalkaasi.

Sarkaal sare oo qariyey Magaciisa kana tirsan ciidamada Barre Aaden Shire ayaa sheegay in qaadayaan dagaalo qaraar, ayna ka tirsan yihiin ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay mudo tababaro ku qaadanayeen gudaha dalka Itoobiya, kuwasoo uu sheegay in hada soo dhameystireen.

Masuulkan wuxuu kaloo beeniyey in ay ciidamadooda la socdaan guutooyin ka mid ah ciidamada dowladda Itoobiya, oo lasheegay in ay ku socdaan qorshayaal ay la galeen dowladda faderaalka Soomaaliya oo ku aadan in ay caawiyaan dhamaanba ciidamada taageersan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka uu qaadayo Barre Hiiraale ayaa gaari doona sida ay qorshaysay dowladda Soomaaliya magaalada Kismaayo oo xarun mar u ahaanjirtay Barre Hiiraale iyo Kooxdiisa, balse looga saaray dagaal socday saacado badan luguna soo gaarsiiyey magaalada Baardheere.

Lama garan karo sida uu xaal noqon doono maalmaha nagu soo aadan, balse ciidamada Barre Aaden Shire iyo Ciidamadiisa ayaa qorshahoodu yahay in ay galaan dagaalo qaraar oo ay la galaan dhinacyada ka soo horjeeda oo leh Awoodo badan oo is-biirsaday, hadana ka talinaya inta badan guud ahaan Koonfur Soomaaliya, inkastoo ay todobaadkan ku soo fool leeyihiin daadad ciidamo ah oo aan la gakarin sida ay iska difaacayaan, kuwasoo looga shakisan yahay in ay kaabayaan ciidamada dowladda Itoobiya.

http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=5330&z=2


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests

cron