Page 1 of 1

Cabdi Barre Cabdi Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Diyaar Garow Xoog

Posted: Tue Jun 02, 2009 12:07 pm
by CoolPoisons
Afhayeenka Xubnaha Maamulka Dowlada Ee Ku Sugan Magaalada Dooloow Cabdi Barre Cabdi Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Diyaar Garow Xoogan Uu Ka Soconayo Degmada Doolow.

[2009-06-02 17:45:42] Afhayeenka xubnaha maamulka dowladda ee ku sugan magaalada Dooloow Cabdi Barre Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in diyaar garow xoogan uu ka soconayo degmada Doolow.

Cabdi Bare Cabdi ayaa sheegay in kulan ka dhacay magaalada doolow la isla meel
dhigay in la billaabo howlgal baaxad leh.

Afhayeenka ayaa sheegay in abaabulkoodu uu ku beeganyahay in gobolada ay gacanta ku hayaan xoogaga Islaamiyiga ahi ay kala wareegeen sida Gedo iyo jubbooyinka.

Masuulkaasi ayaa cadeeyay in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay iminka ka jiraan deg dooloow sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi Barre ayaa intaasi ku daran in iminka laga soo gudbay xiligii baaqyada nabada oo ay iminka ka daalaan xittaa odayaashii dhaqanka in ay dadaalkooda sii wadaan.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan masuulkan ayaa ku soo beegmaya xili ColWarfaa Sheekh Aadan oo ah taliyaha ciidamada Xildhibaan Barre Hiiraale uu shaaciyay in ay gacanta ku dhigayaan 5 gobol oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee dalka.

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

http://allwariye.com/actiontools/getThi ... hp?id=2460

Re: Cabdi Barre Cabdi Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Diyaar Garow Xoog

Posted: Tue Jun 02, 2009 12:08 pm
by CoolPoisons
who's Abdi bare Abdi?

Re: Cabdi Barre Cabdi Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Diyaar Garow Xoog

Posted: Tue Jun 02, 2009 11:05 pm
by zingii
Google him. :mrgreen: