By Moh. Gaarane & Hassan Halane. Baardheere-GMN: 26-Ka June Oo Aan Laga Xusin Gedo Iyo Jubbooyinka Iyo Radio Mandeeq Oo Laga Baahiyay Barnaamijyo Loogu Talagay Qiimaha Maanta Ay U Leedahay Shacabka Soomaaliyeed.
Iyadoo maanta ay ku beegantahay midowgii gobolada waqooyi iyo koonfuurta ee dalka Soomaaliya ayaan maanta gabi ahaanba laga xusin gobolada Gedo Iyo Jubooyinka maalintaan qiimaha weyn leh.
Xiriiro aan la sameeyay Magaalooyinka Kismaayo,Jilib, Buale ,Baardheere,Ceelwaaq, Garbahaareey,Buurdhuubo ayaan dhamaan la ii xaqiijiyay in aysan jirin wax bandhigyo ah oo maanta ka dhacay degmooyinkaasi.
Qaar kamid ah dadka aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay sababeeyaan wax dhaliyay in munaasabadahaasi la qaban waayo .waxaana ay dareen ahaan dadku u muuqdaan kuwa aanba og soonayn 26ka June.
Si kaduwan sidaasi ayaa waxaa maanta Radio Maandeeq oo ah idaacad madax banaan oo ka howlgasha waqooyiga G/GEDO waxa ay si toos ah 7:00 subaxnimo wixii ka dambeeyay bilawday barnaamij xiiso leh oo loogu talagalay dhagaystayaasha maanta oo kale.
Agaasimaha Radio Maandeeq Xasan Maxamuud Xalane oo aan arrimahaasi kala sheekaystay ayaa ii sheegay in ay barnaamijyadaasi u bilaabeen si dadka loo xusuusiyo xorriyaddii soomaalida waqooyi ay ka qaateen gumaystihii Ingiriiska,taasi oo hor seeday in ay midoobaan labada shacab oo walaalaha ah.
Sanad waliba maanta oo kale ayaa munaasabado ceynkan lagu xusaa 26 june balse xiligan waxaa gobolo badan oo soomaaliya ah ay uga duwantahay sanadihii hore oo si weyn loo soo dhawayn jiray maanta oo kale.
Maxamed Gaarane
Gedo Online News Desk
http://www.gedoonline.com/?p=4019





