Siminaar ku saabsan cudurada kalmada ku faafo oo ay taageereen Markablay Development Organization London UK oo uu soo jeedinayay Dr Abdiraxmaan Cate Gurume
Siminarkaan ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee hotel Olujoog waxaana ka soo qayb galay dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan sida maamulka odayaasha dhalin yarada timajaraasha ururada haween, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Dr. C/raxmaan carte Gurume ayaa waxaa uu si faah faahsan ooga hadlay cudurada galmada lagu kala qaado kuwaas oo ah, cuduro dhib ku hayo bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku nool xuduuda sadex-xagalka ah ee Kenya, Ethopia, iyo Somalia. Cuduradaan ayaa Dr. waxaa uu u kala saaray dhawr qeybood.
Sida kuwo ku faafo Bacterial oo uu dhakhtarku aadu faah faahiyey iyo Kuwo ay keenaan Virus, waxaan uu ukala saaray si ay bulshadii ka soo qeyb gashay aad iyo aad ay oola dhaceen kuna farxeen wacyigalintaas wanaagsan ee uu soo jeediyey Dr. ayna ku taageereen Markabley Development Organization.
Sharaxaadaas balaaran oo ku saab san cuduradaas galmada lagu kala qaado markuu si fiican u kala dhig dhigay dhakhtarku gaar ahaan HIV/AIDs ka ayaa waxaa ku wareegay warkii Sheekh Maxamed Mukhtar Goni isagoo sheekhu uu sheegay in Zinada ay tahay waxa kaliya ee cudurkaan sii faafiso, ilaahayna umadii ay zinada ku faafto uu ku saladaayo cuduro aan la aqoon ayuu sheekhu yiri, qudbada sheekha oo aad u dheerayd ayaa waxaa uu aad iyo aad oo gu xeeldheeraaday in ay dhimashada iyo colaadahaba ay badanaayaan hadii ay zinada faafto ayuu yiri sheikh Maxamed Mukhtar.
Waxaa ku wareegay qudbo dheerna halkaas ka soo jeediyey gudoomiye Axmed Maxamed Burkuus, oo aad iyo aad ugu mahad naqay una amaanay Ururka Markabley ee hawshaan dhiirigaliyey iyo soo jeedinta Dr. Cabdiraxman Carte Gurume, gudoomiyaha degmada B/xaawo Mr. Burkuus in uu aad ooga codsanayo dhamaan jaaliyada ka soo jeedo gobolka gedo in ay markaste dhiiri galiyaan bulshadooda ay ka soo jeedaan ayna wacyi galiyaan oo ay ka taageeraan bulshadooda dhicyada caafimaadka, baraarujinta bulshadooda.
Gudoomiye burkuus oo aad u dhiiri galiyey in arimahaan ku saabsan baraarujinta dhalinyarada gobolka gaar ahaan kuwa xuduudaha wadamada deriska ah ku nool inay ku baraarugaan khatarta uu leeyahay cudurka HIV/AIDska.
Gudoomiye burkuus ayaa waxaa uu ka codsaday dhalin yarada Markablay Development Oraginazation, iyo dhakhaatiirta gobolka in ay iska kaashadaan wacyigalinta dhalinyarad gobolka ayna ku soo cel celiyaan barnaamij yadaan oo kale.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay odayaasha degmada B/xaawo oo iyaguna ku raacay soo jeedinata gudoomiye Burkuus in ay dhalinyarada gobolka kazoo jeedo eed ku dhaqan dibada ay baraarujiyaan dhalinyarada da’yarta ah ee gobolka.
Waxaa kaloo goobta joogay aad na oola dhacay barnaamijka ay dhiiri galiyeem Markabaly Org. ururada haweenka ama hooyooyinka ee degmada.