Dad ku soo dhaawacmay Xiisadaha colaadeed ee Dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia oo la gaarsiiyay degmada C/waaq
Shabelle: CABUDWAAQ
Dad ku soo dhaawacmay Xiisadaha colaadeed ee ka taagan dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa la gaarsiiyay degmada C/waaq ee gobolka Galgaduud.
Laba nin oo dhaawacyo ah ayaa maanta lagaarsiiyay degmada C/waaq ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo ku soo dhaawacmay Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia,waxaana dhaawacoodu uu ka danbeeyay Xiisado waqtiyadii ugu danbeeyay ka jiray deegaano hoosyimaada degmada Wardheer ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho,waxaa ka horeeyay labo nin oo siyaabo kala gooni ah loogu dilay Xiisadahani ka soo cusboonaday deegaankaasi oo ku salaysan aano Qabiil ayaa durbadiiba waxa ay cabsi ku abuureen qoysas reer guuraa ah,waxaana deegaankaasi laga dareemayaa saan saan colaadeed xilli ay ku sugan yihiin cutubyo katirsan Milateriga dowladda Ethiopia.
Dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi ayaa dhaliil u jeediyay Maamulka Ethiopia ee ka arrimiya halkaasi kuwaasi oo ay ku sheegeen in ay ka gaabiyeen in ay ka hortagaan xasardaha halkaasi ka soo cusboonaaday kuwaasoo waxyeeladii ugu danbeysay ay galinkii danbe ee shalay dhacday,waxaana labada nin ee dhaawaca ah ee la gaarsiiyay degamda C/waaq ay haatan jiifaan Isbitaalka degmada,halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayo.
Qaar ka mid ah deegaanadu ay xiisadaha ka aloosanyihiin oo laga dareemayo saan saan colaadeed ayaa durbadiiba waxaa laga dareemayaa barakac dhinaca deegaanka ah,waxaana halkaasi isaga firxaday qoysas xoolo dhaqato ah oo danyar ah oo reer guuraa ah kuwaasi oo cabsi ka qaba in ay saameyn ku yeelato xiisadaha halkaasi ka soo cusboonaday.
Ma ahan markii ugu horeysay oo xiisado aano qabiila ah ay ka dhacaan nawaaxiga deegaanka Wardheer ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho, laakiin dhinacyada halkaa ku hardamaya ayaa dadweynuhu waxa ay cabsi ka muujinayaan in ay ka dhacdo xiisad tii 2007-2006 dabayaaqadeedii ku dhaxmartay deegaanka Yamaarugeey ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho.
Xiisadaha halkaasi ka soo cusboonaday oo u dhaxeeya qabaa’ilkii markii hore halkaasi kuwa dagaalamayay ayaa durbadiiba waxa ay waxgaradka ka codsanayaan maamulka Ethiopia in ay colaada is hortaagaan hadii kale ay saamayn ku yeelan doonto guud ahaan goblka ismaamulka.
http://www.shabelle.net/news/viewnews.asp?newsid=7482