Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Phantom Jubbaland Being Made In Nairobi

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28176
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Phantom Jubbaland Being Made In Nairobi

Postby Murax » Mon Jul 27, 2009 1:16 am

Nairobi: Shirkii Xoreynta Jubbooyinka Oo Guddo Galay Dhismaha Baarlamaankii Dowlad Goboleedka.
Posted by admin on Jul 25th, 2009 and filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Nairobi(GMN) Waxaa todobaadkii in-dhaafay magaalda Nairobi ka furmay shir-beeleed dood weyn dhaliyay. Shirkaan ayaa ujeedadiisa lagu qeexay inay tahay dib-u xoreynta deegaanda Jubbooyinka ee ay iminka gacanta ku hayaan kooxaha Islaamiyiintaa ee dalka Soomaaliya ka dagaalama. Waxaana fadhigii kowaad ee shirka laysla qaatay labo qodob oo kala ah (a) In laga hawl-galo sidii gobolada Jubooyinka looga xoreyn lahaa kooxaha Islaamyiintaa loogana ilaalin lahaa in deegaanadaasu gacanta u galaan DFKG ee Soomaaliya oo ay ku tilaameen inaysan deegaanadaas u dhaamin kuwa hada haysata, cawaaqibna u hayn. (b) In deegaanada Jubooyinka loo sameeyo maamul dibada jooga oo hawshiisa sida ugu dhaqsaha badan u bilaaba. Maamulkaas oo samaynaya abaabulka xoreynta iyo xiriirka caalamigaa.



Fadhigii labaad ee shirka ayaa wuxuu dhacay maalinimadii Sabtiga bishan Luuliyana ahayd 25ka sanadan 2009 daarta “Chester House” ee bartamaha magaalda Nairobi. Fadhigii hore ee shirkan ayaa waxaa hormuud ka ahaa xubno dhaqan iyo siyaasiyiin oo kala ahaa: Xildhibaan Xasan Abshir, General Moorgan, Xildhibaan Cabdirisaq Xiddig, Ugaas Labo Qeyd, Xildhibaan Aadan Buule, Xildhibaan Indhageele iyo Xildhibaan Indha-buur.



Fadhiga labaad ee shirka ayaa waxaa ku soo biiray siyaasiyiin hor-leh oo ay kamid yihiin Gen. Maslax Maxamed Siyaad, Danjire. Maxamud Cali Magan iyo Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Jubada Hoose ee DFKM. Waxayna dhamaantood muujiyeen inay doonayaan dhismaha maamul goboleedka Jubbaland.

Shirkan ayaa ku furmay fariimo cafis oo ay soo jeediyeen siyaasiyiintii ka soo qeyb galay waxaana ugu horeyn dalbaday cafis guud Gen. Maxamed Saciid Xirsi “Morgan” oo soo jeediyay in beesha Daarood ay cafis u fidiso ama saamaxdo Isaga Gen. Maxamed Cumar Jees iyo Col. Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale”. Balse hadalka Moorgan isla markiiba waxaa laga horkeenay diidmo ayadoo nin odaya oo halkaasi ka hadlay uu Genraalka ugu jawaabay inaysan beesha Kablalax marna cafiyaynin Morgan, asagoo intaasi raaciyay in ay haboonaan lahayd inuu arrimaha beesha Daarood guud ahaanba faraha kala boxo Jaame Morgan.



Intaas kadib waxaa hadalkii qaatay Xildhibaan Xasan Abshir Farax oo soo jeediyay in si guud beesha Daarood isu cafido lagana wada tashado danta guud. Hadalka Xasan abshir wuxuu shirkii u gudniyay jawi wada tashi iyo in laga wada xaajoodo sidii hawshii samaynta maamulka ee lagu balamay loo gudo gali lahaa.



Mudo yar kadib Xildhibaan Aadan Buule ayaa hadal kooban kadib kasoo qeyb-galayaashii dhex-dhigay su’aal oranaysa: Ma waxaa jirta cid dood ka qabta in la dhiso maamul goboleedka Jubbaland? Isla markiiba waxaa bilowda bulaan iyo in dad badani gacanta u taageen inay doodooda ka dhiibtaan su’aasha uu xildhibaanku soo jeediyay. Balse shirku waa uu ka gudbay dhagaysiga dareenka arrintaasi la xariirta waxaana si deg-deg ah loo soo jeediyay in la gudo galo soo diyaarinta barnaamijka Jubbaland iyo sidii loo soo xuli lahaa xubnihii Baarlamaanka dowlad goboleedka oo lagu balamay inay noqdaan qodobada shirka xiga ama fadhiga soo socda lagu gorfayn doono.



Suurto galnimada in maamul goboleedka Jubbaland lagu dhiso dalka Kenya, dabadeedna xubnahaasi u-hawl-galaan siday deegaandaas uga xoreysan lahaayeen kooxaha islaamiyiintaa, waa arrin maanka gadaysa. Cabdi warsame oo ka qeyb-qaatay doodii qormadii hore waxaa uu ku doodayaa, inay arrintu halkaas ka dhowdahay asagoo yiri: “Waxay qabasho ka leedahay “DAWLAD-GOBOLEEDKA JUBBALAND EE UU FADHIGEEDU YAHAY ISLII.”. Dhanka kale akhriste kale oo magaciisa XANAAQ ku soo koobay isna wuxu leeyahay: “Raga raba in aay Jubbooyinka xoreeyan waxaa jogaa DOOLOW, Xasan Abshir & Moorgan may u-tagaan haday rabaan inaay wax xoreyaan”. Waxaa isna fakir labadaasba ka duwan qaba Samo Talis oo yiri : “Shirku waamid lagu xagal daacinayo siyaasad waarta oo dalka ka dhalata, ayaga oo ay hurmuud u yihiin dad aan rabin daganansho ka curta gayiga Soomaaliyeed”.



Dooda arrintani dhalisay waa mid dheer ayadoo dhamaan la wda shugayo halka uu ku dambayn doono shirkani. Waxaa kaloo xusid mudan fikirka Ali-caarif akhriste kale oo yiri “Reer Puntland waxay usoo diraan Jubbaland dadkooda ay ku magacaabaan faraajiinta oo ay yiraahdaan la soo xaala Mareexaanka iyo Absamaha adinkaa la garaad ahe!”. Halka qaar-kaloo akhrisyaashanada ka mid ihina ayba su’aal weyn ka qabaan jiritaanka Daarood, iyo sababta arrinta loo Daaroodeeyay oo beelihii kale looga tagay.



Si kastaba ha ahaatee, waxaa is waydiin iyo fiiro gaara mudan kaalinta uu hawshan iyo shirkaan ku leeyahay Gen. Maslax Maxamed Siyaad. Siduu Jabuuti uga yimidba in badan kama hadlin wax uu isagu doonayo iyo waxa uu dadkiisa la doonayo intaba. Ka dhexmuuqashada shirkani waxay abuurtay su’aal badan oo la xariira sida uu wax u rabo Jaale Maslax.



Gedoonline waxay isha ku haysaa gabi ahaanba dhacdooyinka soo kordha si ay fakir buuxa idiinka siiso, aadna kaalintiina suuban uga qaadan lahaydeen. Fadlan noo soo gudbiya fariimaha iskuna daya inaad aad u koobtaan. GedoOnline.


lol

User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Phantom Jubbaland Being Made In Nairobi

Postby Voltage » Tue Jul 28, 2009 2:24 am

Do you know how hard Faroole is trying to incorporate Caabudwaaq and Balanbale to Puntland?

User avatar
snoop12
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4399
Joined: Sat Oct 11, 2008 7:13 am

Re: Phantom Jubbaland Being Made In Nairobi

Postby snoop12 » Tue Jul 28, 2009 6:08 am

Do you know how hard Faroole is trying to incorporate Caabudwaaq and Balanbale to Puntland?
he is probably working hard, but does that excite you?

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Phantom Jubbaland Being Made In Nairobi

Postby zingii » Tue Jul 28, 2009 9:47 pm

Do you know how hard Faroole is trying to incorporate Caabudwaaq and Balanbale to Puntland?
he is probably working hard, but does that excite you?

:lol: :lol:

User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28176
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Phantom Jubbaland Being Made In Nairobi

Postby Murax » Wed Jul 29, 2009 4:46 pm

Siyaasiyiin beesha Daarood oo Nairobi uga bilawday kulamo dhismaha Jubbaland

Posted by Ohio
Tuesday, July 28 @ 08:48:15 EDT


Siyaasyiin, Xildhibaanno iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Daarood ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa uga bilawday kulamo looga hadlayo dhisidda maamul goboleed ay yeeshaan gobolada Jubbooyinka oo ah qorshe muddo dheer soo socday waayadan dambe.


Kulamadan ayaa waxaa ay ka socdaan magaalada Nairobi waxaana ka qeybgalayo siyaasiyiin magac leh oo kamid yihiin dhanka beesha Sade Gen: Maslax Maxamed Siyaad Barre, Ambassador hore Maxamuud Cali Magan, Daa’uud Dirir iyo Xildhibaano sida C/raxmaan Indho –Buur Saayuun, Xildhibaan Xasan Geelle.


Kulamadan xasaasiga ah ayaa waxaa dhanka beesha Harti u matalatey Gen: Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) iyo Xildhibaan Xasan Abshir Faarax iyadoo beesha Absana ay uga qeybgalayaan rag uu ku jiro Laba-Qeyd iyo mudanayaal baarlamaan.


Hadafka ugu weyn ee kulamadan oo ilaa 8 jeer Nairobi lagu qabtay ayaa Gedoweb loogu sheegay wada tashi ay xubnahaasi ka yeelanayaan suurtagalnimada in maamul ay u dhan yihiin gobolada Jubbada hoose, J/dgexe iyo Gedo loo sameeya, kaasoo loogu magaca darro Jubbaland State, Aadan Yahye Xalane oo kamid ah ka qeybgalayaasha kulamadaas ayaa Gedoweb maanta u sheegay in siyaasiyiinta shiray ay isfahmeen, laguna ballamay in ka hor bisha Ramadan Nairobi la isugu keena wafuuda ka qeybgaleyso shirweyne looga arrinsanayo dhismaha Jubbaland.


Warar soo baxayo ayaa sheegayo in dowladaha Mareykanka, Ethiopia iyo Kenya ay dabada ka riixayaan siyaasiyiintan oo ay ku qalqaalinayaan in maamulkan ay ku dhawaaqaan, waxaana dowladda Mareykanku ay ballan qaaday baa la leeyahay dhaqaalaha ku baxayo howshan oo aan sahlaneyn.


Ma cada sida rasmi ahaan xilligan maamul mideeya saddexdaas gobol loo yagleeli karo, iyadoo la ogyahay in goboladaas ay maamulaan xoogag Islaamiyiin ah oo maamullo Islaami ah sameeyey.


Gedoweb Exclusive

Lite-Somali
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 602
Joined: Wed Jun 18, 2008 10:59 am
Location: Knee deep in North Somalia planning,preaching and prophezin evils of secession

Re: Phantom Jubbaland Being Made In Nairobi

Postby Lite-Somali » Thu Jul 30, 2009 6:49 am

Do you know how hard Faroole is trying to incorporate Caabudwaaq and Balanbale to Puntland?
Hmm interesting the Beesha Sades live in a major swathes of Galgadud incorporating into the Federal State of Puntland will be hard seeing tht local Beesha Sade clans in Galgadud and Mudug wwould demand a bigger role in Puntland but it's no surprise they been trying to incorporate Cabudwaq,Balanbale ,Dhabad,Xerale all Sade lands since 2000


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 14 guests