
Shirkan oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u fara badan oo isugu jira Aqoon-yahano,Culumo awdii,Haweenka,Dhalinyarada iyo odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa lagu lafa gurey sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada la hartay Deeganada ay degaan Jaaliyada ee Somalia,waxaana Shirkan oo ay shir gudoomiyneysay Xamza Xuseen "Hanoolaato' oo ah Guddoomiyaha Gudiga Jaaliyada Beesha Sade ee Wadanka Holland isla markaana dhawaan kasoo laabatay Shirkii lagu soo gabagabeeyey Wadanka Mareykanka.

Xamza oo sharaxaad ka bixineysa Xaalada Somalia iyo waxa kasoo baxay Shirkii Mareykanka ayaa sheegtay in dhamaan dadkii isugu tagay Shirkaasi inay wada garteen sidii ay u sameysan lahaayeen Maamul loo dhan yahay oo laga hir geliyo Deegaanadaasi,Waxaana intaasi ay kusii dartay inay Maanta lagama maarmaan u tahay Jaaliyadaha Dibada ee kasoo jeeda deegaanadaasi inay maanta u istaagan taageerida wixii kasoo baxay Shirkii Mareykanka.

Sidoo kale Xamza waxay kalo ka hadashay in Shirkii Mareykanka lagu doortay Urur yeelan doono Laba Gole oo kala ah Midka Fulinta iyo Golaha Waxgaradka,kaasi oo aasaas u noqon doona Maamul Goboleed taaba gala oo ay sameystaan Dadka deegaanadaasi u dhashay,mar ay ka hadleysay waxa xiligan ku qaaday inay Maamul Goboleed sameystaan xili ku dhawaad 20 sano Dowlad la'aan Somalia ka jirto laguna howlan yahay sidii Dowlad Qaran loo heli lahaa ayey tiri " Tan qaranka waa mid aan la wadaagno Somalida kale,Laakiin mida aan Maanta ka hadleyno waa sidii dadkeena aan u gaarsiin laheyd Horumar Amaan,Dhaqaale,Waxbarasho iyo Caafimaad sida gobolada qaar ay sameysteen,Waana filayaa inay Somalida caqliga u saaxiibka ah sidaasi inoola fahmi doonaan,ma noqon doono Maamulka aan u hanweynahay in aan sameysano mid Somalida dariska nala ah iyo kuwa kale wax gaarsiin doona inuu wax u dhiso mooyee"

Dhinaca Kale waxaa Halkaasi ka hadlay Qaarka mid ah Dadweynihi kasoo qeyb galay SHirka kuwaasi oo u badnaa dad ka wada siman sidii Maamulkaasi lagu sameyn lahaa,waxaana intii halkaasi ka hadashay ay sheegeen inay Mudo ka war dhowrayeen Somalida kale sidii ay wax ula qabsan lahaayeen,Laakiin Maanta ay sii sameysan doonaan Maamul ay ku gaaraan qaranimada Somalia,isla markaana meesha looga saari lahaa Dagaalada soo noqnoqday ee ragaadiyey Deeganada Gedo,Jubbooyinka iyo Galgaduud.
Prof,Abdi Ahmed Farax oo ahaa Hormudkii ugu danbeeyey Jaamacadii Umada Somaliyeed ee Muqdisho oo ka mid ahaa Madaxdii kasoo qeyb gashay SHirkaasi ayaa sheegtay inay Somalida tahay dad aan Caqli u saaxiib aheyn isla markaana markii Horumar loo hadlo u fakara dib u dhac,isagoo farisaya waxa uu yahay Maamulkan ee Maanta ku baaqayaan waxa uu sheegay inuu yahay Maamulkii Nabad waarta ka dhex dhelin lahaa Koonfurta Somalia oo loo caal waayey Nabad kusoo celinteeda.|

Abdiqadir Caano-geel oo isagana ahaa Agaasimihii Madbacadii Qaranka Somalia haatana ku nool Dalka Holland oo shirkan ka hadlay ayaa isagana sheegtay inay cilmiyan Maanta u fahmeen sida baahida xoogan loogu qaban Maamulkan iyo Nabad kusoo celinta Deegaanadii ay ka yimaadeen,isagoo Dadkii halkaasi joogay oo u badnaa kuwa xiiso uu ku hayey ka hadlida Maamul ay helaan ayaa sheegay inuu isaga iyo inta la midka ah taageeri doonaan Waxa ay la yimaadaan DHalinyarada wada Howlaha Maamul u sameynta Goboladaasi.
Maxamed Abdinuur Maxamuud oo ku hadlayey Magaca Dhalinyaradii halkaasi joogtay ayaa sheegay inay Maanta Dhalinyarada diyaar u yihiin hogaan u qabashada Maamulkaasi iyo inay doonayaan inay wax la qeybsadaan Somalida kale ee Daris wadaaga uu kala dhexeeyo,isagoo dhinaca kale ugu baaqay qol yahay isku haya Gobolada ay Jaaliyadan kasoo jeedo inay Dagaalka joojiyaan oo ay wada hadal isugu yimaadaan.
Horey ayaa Shirar uga kala dhacay Kenya iyo Mareykanka oo ay ka qeyb galeen Rag Siyaasada Somaliya magac ku leh oo ay ka mid yihiin Gen,Maslax Maxamed Siyaad Bare oo ahaa Siyaasigii wareega Sadexaad lasoo gaarey Doorashadii Jabuuti Madaxweynaha iminka Talada Dalka haye ee Sheekh Shariif iyo Abdirahman Jamac Bare oo isagana ahaa ragii ugu cad cadaa Xukuumadii 21 sano Somaliya Hogaanka u heysay ee uu Hogaanka u ahaa Allaha U Naxariistee Gen,Maxamed Siyaad Bare oo aysan ilaa hada ka danbeyn Wax Dowlad Awood leh oo Dalka Dejisa.
Ugu danbeytii Shirkaasi ayaa kusoo dhamaaday jawi is afgarad ah,waxaana qaarka mid ah ka qeyb galayaasha oo banaanka hore ee shirka kula hadlayey Warbaahinta ayaa ugu baaqay Dadka afduubka u geystay Samafalayaashii dhawaan laga afduubtay Mandheera in deg deg lagu siidaayo,iyagoo dhinaca kale dadka Gobolka Gedo iyo Jubbooyinka iyo Galgaduud ugu baaqay inay goboladooda gabaad looga dhigin dadka la soo afduubto,taasi oo haddii ay sii socoto wax weyn u dhimi karta Shacbiga dhibateysan ee uu ragaadiyey Dagaalka sokeeye iyo Amaan La'aanta.
--------------------------------------
Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com




