Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Baardheere oo caawa Bandow ku soo rogay halkaasi.
Shabelle: BAARDHEERE
Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Baardheere ayaa caawa waxa uu Bandow ku soo rogay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Maamulka islaamiga ah ee ka arrimiya Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo ka hadlayay Idaacadaha ku yaala Magaalada Baardheere ayaa waxa ay sheegeen in Magaalada laga bilaabo 9-habeenimo wixii ka danbeeya ay bandow tahay.
Bandowgan ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii cabsi xoogan laga dareemay degmooyinka Luuq iyo Balad Xaawo ee gobolkaasi.
Wararka qaar ay sheegaya in Ciidamda dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan degmada Dolow ee gobolka Gedo xadka uu la wadaago Ethiopia ay dhaq dhaqaaqyo Xoogan ka wadaan halkaasi.
Si kastaba ha ahaatee Mas’uuliyiinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaaladaasi Baardheere ayaan wax faah faahin ah ka bixin sababaha bandowga balse waxa ay dadka ku amreen oo kaliya in wixii ka danbeeya 9-habeennimo ay Magaalada Bandowtahay.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
http://www.shabelle.net/news/viewnews.asp?newsid=7929



