Postby Murax » Sat Aug 15, 2009 5:10 am
Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ah oo dhaqdhaqaaq xoogan ka bilaabay Dooloow, xilli dagaallo kale ay ka socdaa qeeybaha kale ee Soomaaliya
Saturday 15 August 2009 SMC
Ciidamadan oo wataan gawaarida gaashaaman ee tiknikada iyo hub culculus ayaa wararku sheegayaan in ay dhaqdhaqaaqyo milatary oo baadxad weyn ka bilaabmeen deegaanno hoostaga gobolka gedo.
Masuulka ugu sareeya culumaaudiinka ahlusunna walajamaacah ee koonfur bari soomaaliya shiikh cabdiraxmaan axmed Al-ansaari ayaa waraysi gaar ah oo aan la yeelannay tibaaxay in ay goor dhow bilaabayaan howlgallo waaweyn oo saf ballaaran ah , laguna xidid siibayo shayaadiinta diinlaawayaasha ee shareeca diidka ah oo uu ula jeeday al-shabaab iyo xisbul islaam kana nadiifinayno koonfur bari soomaaliya, insha alaah, hadda waad aragtaan guulaha eebe uu shacabka soomaaliyeed u soo hoyay, ayadoo dagmooyin iyo tuulooyin aan laga filaneyn in shabaab lagula dagaalamo uu dagaalku hada ka socdo isgoo carabka ku dhuftay Galcad iyo Ceeldheer . ALXAMDU LILAAHI, CALAA KULLI XAAL
Mar aan shiikha Al-Ansaari wax ka waydiinay in ay gurmad u direen dagaalada gobollada dhexe, ayaa waxa uu shiikhu carabaabay in ay jiraan balse muusan faafaahin inta ay la eegtahay taagerada ay u direen culumada ahlusunna waljamaacah ee haatan dagaalka ka wada Galcad.
Ayagoo arintaasi ka duulaya Al-shabaab waxa ay xalay bandow saareen magaalada Baardheere ayagoo ka cabsi qaba in guluf colaadeed uga timaado dhanka culumaaudiinka Ahlusunna wal-jamaacah.
Haddii ay ciidamada lugta ah ee qalabka sida ee Ahlusunna waljamaacah ku dhaqaaqaan dhanka Gedo iyo koonfurta soomaaliya waxa shaki ku jirin in cududa Al-shabaab iyo Xisbul islaam aad u daciifayso maxaa yeeley ma jirto wax taageero ah ka haystan dhanka Gobolada dhexe iyo Shabellada dhexe oo ay Ahlusunna waljamaacah dagaal kula jirto kooxahaasi .
Si kastaba ha ahaatee, Abaabulka culumaaudiinka Ahlusunna ee koonfur bari soomaaliya ayaa waxa ay ku soo adaysaa xilli dagaallo faraha looga gubtay ay ka socdaan xadka gobolada galgaduud iyo shabeelada dhexe , oo ay ahlusunna guulo waaweyn ku sheegatay, dhinaca kalena uusan wali faafaahin dheeri ah ka soo saarin dagaalkaasi .