Maamulkii dowladda ee Gedo oo qiray in iyaga iyo Ahlu Sunna ay weerar ku soo yihiin degmooyinka ay gacanta ku hayaan islaamiyiinta.
Maamulka dowladda ee gobolka Gedo ayaa qiray in iyaga iyo Ahlu Sunna Waljaamaca ay weerar ku soo yihiin degmooyinka ay gacanta ku hayaan xoogaga islaamiyiinta.
Afhayeenkii maamulka dowladda ee gobolka Gedo Barre Cabdi Barre ayaa qiray in ay jiraan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay ciidamada dowladda ka wadaan degmada Doolow ee ay ku suganyihiin kuwaasi oo ku aadan dib ugu soo laabshada gobolada Gedo iyo Jubooyinka oo haatan ay maamulaan xoogaga hubaysan.
Waxa uu sheegay in uu u soo dhamaaday tababar ciidamada dowladda islamarkaana ay doonayaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen goboladaasi isagoona sheegay in ay wada hadal la galayaan xoogaga ka arimiya haatan hadii ay diidaan la dagaalamayaan.






