Dhaq dhaqaaqyo Ganacsi oo ku aadan Bisha Ramadaan oo si weyn looga dareemayo Suuqyada kala duwam degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Posted: 8/18/2009 3:18:00 PM
Shabelle: CAABUDWAAQ
Mashquulka faraha dadan ee laga dareemayo Suuqyada Degmda Caabudwaaq ayaa yimid kadib markii ay soo dhawaatay bisha Barakaysan ee Ramadaan dadkuna ay ku jiraan diyaar garow bishaasi ah.
Waa maanta mashquulkii ugu darnaa ahaa gobaha laga dukaamaysto Xawaaladaha iyo suuqyada ganacsiga gaar ahaan Suuqa Timirta iyadoo dad aad u fara badan ay maanta kiilaysanayeen timidrta suuqyada dhooban.
Meelaha ugu badan ee Suuqa Maanta Mashquuliyay ayaa waxaa ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Caabudwaaq oo ay dadku ka soo dukaamaysi tageen,waxaana ganacsatada ka shaqeysata Suuq yaraha degmada Caabudwaaq uu Shabelle u sheegay in suuqa uu haatan ku jiro mashquulkii ugu darnaa.
Suuqyada degmada Caabudwaaq aya waxaa ay la wadaagaan Mashquulka suuqyada kale ee gobolda dalka Soomaaliya kuwaasi oo haatan iyana si weyn isugu diyaarinaya bisha barakaysan ee Ramadaan.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Waxaan ka raali garaynaynaa dhageystaashii ku taxnaa wararkii Dhageysiga ahaa ee Wabsadeeka Shabelle in aanay u soo gudbin Karin cilad dhanka FTP-ga oo ay ku socoto howlo Farsamo.