Posted by Caabudwaaq
Tuesday, August 18 @ 12:37:28 EDT
Ciidamo taabacsan dariiqada Ahlu-Sunna Wal-jameeca ayaa lagu soo waramayaa in ay galabta la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, iyadoo ay Ahlu-Sunna sheeganeyso in ay halkaasi dagaal ku qabsatay.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay galeen iska hor imaad kooban ka hor intii aysan wadaada Ahlu-Sunna qabsan deegaanka Wabxo, goob-joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen ciidamo Ahlu Sunna ah oo wata cimaamado lagu yaqaano Ahlu-Sunna iyo gaadiid dagaal, kuna sugan Wabxo gudaheeda.
Afhayeen u hadlay Ahlu-Sunna oo la yiraahdo Sheekh C/raxmaan Abuuqaadi waxaa uu sheegtay in ciidankooda ay deegaankaas heystaan.
Wax war ah lagama hayo dhinaca Xarakada Al-Shabaab oo ku saabsan qabsashada Ahlu-Sunna ee Wabxo.
Si kastaba ha ahaatee deegaankan ayaa in badan ay dagaallo ku dhexmareen dhinacyadan, waxaana waayadan gacanta ku hayey Shabaabul Mujaahidiin.
Gedoweb News Desk
Caabudwaaq
Galgaduud.



