Warbaahinta iyo waariyeyaasha ka shaqeeya gobolka Gedo ayey soo wajahday cadaadis xooggan iyo caburin saxaafadeed oo kaga imaneyso kooxaha Islaamiyiinta ee gobolkaasi heysta kadb markii ay ku soo rogeen qodoba ay ku xakameynayaan habka wartabin iyo sheegidda warar dhex-dhexaad ah
Inkastoo ay jirta cabsi laga qabo in go’aanada ad-adag ee saxaafadda lagu caburinayo uu gobolka oo dhan wada gaara ayaa haddana meesha ugu daran ee hadda uu saameeyey waaa degmada Beledxaawo oo ay Al-Shabaab xukumaan, maamulka magaaladaasi ayaa Idaacadda Maandeeq iyo suxufiyiinta magaalada ka howlgasha waxay hor-dhigeen dhowr qodob oo loogu sheegayo in wax aysan Al-Shabaabku raalli ka aheyn la siidaayo.
Goob-joogayaal aan telephone-ka kula xiriiray ayaa sheegay in kulan xasaasi ah uu dhexmaray wariyeyaasha, madaxda Radio Maandeeq iyo ninka warfaafinta ugu qaabilsan Al-Shabaab Beledxaawo Cabdullaahi Gardhuub, wuxuu bahda warbaahinta u soo jeediyey qodobadan oo badankood taabanayo Idaacadda Maandeeq…
1.In aysan siideyn karin hees ama musik noocii ay doontaba ha ahaatee
2. In Xayeysiimaha iyo fariimaha kale ee Idaacadda ka baxa laga jaro muusika
3. In haddii magaalada 1000 qof lagu dilo aysan Idaacadda iyo saxafiyiintuba baahin Karin, maamulka oo aan ogalaansho laga heysan, kaba sii darane aan la soo wici Karin maamulka, lana weydiin Karin xaqiiqda warkan
3. In ciidamada Doolow aysan ku sheegi karin Ahlu-Sunna ee ay ugu yeeraan Khabuuriyiin..
4. In aysan wareysan karin mas’uul ka tirsan maamulka dowladda oo ay rido ku sheegeen kooxda B/xaawo..
5. Wariyihii Idaacadaha banaanka u baahiya war Shabaab lid ku ah in qoorta laga goynayo.
6. In Mujaahidiin shahiiday lagu sifeeyo ciidamada Al-Shabaab kaga geeriyooda dagaalka Muqdisho.
Qodobadaas iyo kuwa sida cad ka soo horjeeda anshaxa iyo xeerka saxaafadda ayey Al-Shabaab soo rogeen.
Saxaafadda gobolka Gedo oo sanadihii u dambeysay soo hana qaaday ayaa qodobadan sandulaha ah waxay ku khasbeysaa in ay shaqo joojin gasho.
Wariyeyaal badan ayaa horay gobolka uga cararay cabsi ammaankooda dartiis oo soo food saartay.



