Gaari ay lahaayeen ciidamada Dowladda KMG oo caawa ku qalibmay doolow dhimasho iyo dhaawacna dhaliyay.
Hornafrik Mogadishu 14-11-2009.
Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in sedex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Somalia ay ku geeriyoodeen ku dhowaad taban kalena ay ku dhaawacmeen, kadib shil gaari oo caawa degmadaasi ka dhacay.
Shilka gaari ayaa ka dambeeyay kadib markii darawalkii waday gaariga uu si xowli ah ku kaxeeyay gaariga taasina ay dhalisay in uu gadoomo gaariga.
Darawalkii gaariga waday oo sida la sheegay ahaa makaanik gaariga tijaabinayay ayaa ku baxsaday dhulka howdka ah ee ku heeran degmada Doolow.
Waa shilkii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca degmada Doolow tan iyo markiii ay halkaasi gaareen ciidamada dowladda KMG Somalia.



