Beesha Mareexaan oo beenisay inay ku biidhay maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo
Hadalkan ayaa waxa uu noqdey mid saamayn balaaran ku yeesha beesha Mareexaan, waxaana arinkan uu yahay mid ay sameen sida beeshu sheegtay shakhsiyaad ku qaraabanaya magaca beesha oo aan matalin, waxayna beeshu sheegtay inay warkaasi baari doonto ayna al xisaabtamayso cidii warkaasi sheegtay, waxay kaloo xubno beesha ka tirsan cadeeyeen in magacyadooda la been abuurtay oo aysan waligood aysan ka qaybgalin meel looga hadlayo ku biirida Galmudg.
Odayaasha degmada Caabudwaaq ee Beesha Mareexaan, waxay sheegeen in warkaasi uu yahay mid beesha sumcadeeda iyo sharafteeda lagu dilayo, aysana u qalmin inay ku biiraan maamulka koonfurta Gaalkacyo oo dhul ahaan haysta wax ka yar Gobol, waxayna beeshu sheegtay in iyaguba ay maamul u gaar ah samaysan karaan oo ay haystaan dhul ka baaxad weyn dhulka Galmudug.
http://www.raxanreeb.com/?p=25936




