


Deegaano Hoos Yimaado Degmada Garbahaarey Oo Bilaabay Beerashada Khudarada Cagaaran Iyo Suuqyada Magaalada Oo Durbadiiba Loo Beec Keenay (Daawo Sawirada)
Nov 21,2009
by Garbahaarey-Gedo-News
Inkastoo aysan magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo aysan horey u lahayn dhulbeered ay ka soo go’do khudaarta noocyadeeda kala gadisan ayaa hadana waxaa markii ugu horeeyay ay bilaabeen qaar ka mid ah beeralayda Garbahaarey beerashada khudaarta, iyadoo haatanba la suuq keenay qaar kamid ah khudaarta ka soo go’day beero hoos yimaado magaalada Garbahaarey.
Baarliin Maxamed Jaamac waa hooyo kamid ah hooyooyinka ku nool degmada G/haarey waxayna dhowaan billowday beerasha qudaarta nooc yadeeda kaladuwan iyadoona beer ceel gacmeed ah ka tabcatay dhulka beeralayda ah ee Dhoofaarey kaasoo qiyaastii u jiro garbaharey 3km, waxayna ku guulaysatay in ay suuqa soo galiso khudaar ka soo go’day beerteeda Dhoofaarey.
Mar aan Baarliin Maxmed Jaamac ku buuqday beerteeda ayay ii sheegtay in uu fakarkaan ku dhashay kadib markii ay aragtay qiimaha ay qudaarta ka joogta degmada G/haarey ee xarunta G/Gedo, hase yeeshee beerliin ayaa dhinaca kale xustay in aysan jirin wax ka taageeray dhinaca qalabka iyadoona sheegtay in ay beerteeda ku waraabiso Ceelgacmeed, balse waxay Baarliin xustay in ay muhiim u ahaan lahayd in ay hesho Matoor ay beerta saarto.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo beero caynkani oo kala ah laga tabco deegaano hoos yimaado degmada Garbaharey ee xarunta Gobolka Gedo, waxaana markiiba billowday tabcashada beeraha lagu beero qudaarta noocyadeeda kala gadisan.
Gedo News Network
Garbaharey Gedo Somalia




