Dowladda Kenya oo daris ah la ah dalka Somalia aya ciidamo fara badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto dalka Somalia.
Degmooyinka ku yaala gobolka Gedo ee xadka la leh dalka Kenya ayaa laga soo sheegayaa inay dowladda Kenya soo dhoobtay ciidamo fara badan.
Ciidamada Keenyaanka ah ee la soo dhoobay xadka degmooyinka Baled xaawo iyo Ceelwaaq ayaa lasoo sheegayaa inay halkaas ka bilabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Dadka isaga gudba xadka labada dal ee Kenya iyo Somalia ayaa cabasho ka muujinaya dhibaatooyin ay u geystaan ciidamada Keenyaanka ah ee xadka lasoo dhoobay.
Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayey aheyd markii wasiirka Gaashandhigga dalka Kenya uu sheegay in Kenya ay adkaynayo amaanka xadka ay la wadaagto dalka Somalia.