now named "Beled Barwaaqo", love the new name
MASAAJID CUSUB OO LAGU MAGACAABAY MASJIDUL-RAXMAAN OO LAGA DHISAY DEGAANKA BELED BARWAAQO (TUULA- BARWAAQO)- Daawo Sawirada
Waxaa la ogaysiinayaa, looguna bishaaraynayaa Muslimiinta Alle xaggi u cibaadaysta ee ku dhaqan degaanka Beled-Barwaaqo (Tuula Barwaaqo) ee Gobolka Gedo, iyo agagaarkeeda, iyo Muslimiinta musaafiriinta ah ee ku safraya waddada isku xirta degmooyinka Baardheere, G/Haareey iyo Beled-Xaawo, in Allah (SWT) idankiisa laga hirgaliyey Masjid lugu magacaabay MASJIDUL-RAXMAAN Degaanka kor ku xusan.
Masjidka ayaa waxaa weheliya qaybo kale ee loogu talagalay waxbarashada, gaar ahaan: Diinta Islaamka; sida taxfiidka quraanka kariimka ah, Tajwiisha iyo qaybo kale. Waxbarshada waxaa qaadanaya caruurta ku jirta da’da waxbarshada, dhallin-yarada iyo dadka waaweynba (rag iyo Dumarba). Masjidka iyo qaybaha kale ee waxbarshada oo dhismahoodu socday muddo afar bilood ah, ayaa waxaa la furay bil ka hor. (EEG MASAWIRRADA MASJIDKA).
Dhismaha Masjidkan Cusub ee Al-Raxmaan, ayaa lagu dhisay dardaaran SAMAFAL SADAQAH-JAARIYAH ee ay reebtay Marxummad Muslim ah (Alla ha ka raalli noqdee, hana u naxariistee), oo geeriyootay dhawr sano ka hor.
Sidoo kalana, dhaqaalaha lugu fuliyey ayaa ahaa hanti ay intay noolayd ugu talagashay samafalka noocan ah, markay geeriyootayna waxaa ILAAHAY IDANKI dardaarankii fuliyey dad muslimiin ah oo ay u wakilatay.
Waxaa mahad oo dhani u sugnaatay ALLAH (SWT) oo aqbalay, niyaddii Addoontiisa geeriyootay. Waxaana Allah (SWT) looga baryayaa inuu marxuumadda niyadaas la timid, iyo waalidiinteedba guri qurxoon Jnanatul-firdawsa uga dhex-dhiso, danbigeeda iyo kii waalidkeedna Alle dhaafo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN/
Arrintani, waxay dadka miuslimiinta ah ee nool u tahay “Sunnah Xasanah ay ku dayan karaan”, maadaama aan wada ognahay xisaabta naga horraysa geerida dabadeed.
FIIRO GAAR AH:
Arrintan oo ALLAH SWT sakhiray fulinteeda, waxay tusaale wanaagsan u tahay wixii ilaahay darti loola niyoodo, loolana yimaado inuu sahlayo si kasta oo ay u culusyihiin ama xaaladdu u qallafasan tahay.
HAATHAA WA BILLAAHI TOWFIIQ
Daawo Sawirrada Masjidu Raxmaan
Keynaan Xirsi Xaashi
London-UK