Dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan ayaa laga dareemayaa magaalooyinka waaweyn ee gobalka Gedo xilli lagu guda jiro Bisha Barkaysan ee Ramadaan.
Ganacsigii ugu xooganaa ayaa ka jira magaalooyinka Beled-xaawo iyo Baardheere oo ah labada magaalo ee ugu weyn gobalka, wararka nagasoo gaaraya magaalada Xadka dhacda ee Beled-Xaawo ayaa sheegaya in halkaasi lageeyay Adeego muhiim u ah shacabka.
Ganacsato deegaanka ah ayaa magaalada ka hirgelisay Warshado badan oo lagu sameeyo Barafka Jalaatada iyo Joodariyaasha, Kumanaan katirsan shacabka magaalada Beled-xaawo ayaa ka faa’iidaysanaya adeegyadan casriga ah ee lagu baahiyay Beled-Xaawo iyo gobalka intiisa kale.
Warshadda Isbuunyada Shaakir ayaa xarun ka furatay magaaladaasi Beled-Xaawo, Warshadda samaysa Joodariyaasha ee xarunta ku leh magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay waxqabadkeeda ku baahisay Gobalka Gedo.
Xiliyada Afurka ayaa goobaha ganacsiga ee magaalada Beled-Xaawo laga dareemayaa Mashquul dhanka ganacsiga ah, Barafka oo waagii hore meelal aad u badneen lagu sameyn jirin ayaa gudaha magaalada lagasoo saaraa in badan taasi oo ay shacabku soo dhaweeyeen.
Ganacsatada kasoo jeeda Gobalka Gedo ee ku ganacsa jiray magaalooyinka wadanka kenya ayaa hadda ganacsigoodi usoo wareejiyay gobalka Gedo kadib markii amaanka Gobalka wanaagsanaaday islamarkaana shacab badan oo Muqdisho kusoo Barakacay ay gobalka kusoo jabeen.
Dhinaca kale magaalada Baardheere ee gobalka Gedo waxaa ka jira Ganacsi heer sare ah, Khudaarta qaybeheeda kala gedisan ayaa suuq wanaagsan leh maadaama lagu jira Bisha Ramadaan oo ay qoysasku aad u isticmaalaan Khudaarta.
Dalagyo kala gedisan oo kasoo go’ay beeraha gobalka ayaa lasoo dhoobay magaalooyinka si ay shacabku u Iibsadaan, Inkastoo ay arrimahaasi jiraan hadane waxaa jira dad danyar ah oo ka qadsan ganacsigaasi xoogan sababa la xariira iyagoo oo aan iibsan karin Raashinka quutul daruuriga ah.
Daahir Guuleed
Muqdisho, Somalia
Allgedo News Media Network





