Assalaamucaleykum dhammaantiin akhristayaasha sharafta lahoow, ramadaan wanaagsan idilkiin. Annagoo ah dhammaan jaaliyadda beesha Celi ee ku dhaqan waddanka United Kingdom (Britain),waxaan halkaan ka soo jeedineynaa baaq iyo talo ku aadan falkii foosha xumaa, isla markaasna ay ku dheehneyd ceebta iyo wuxuushnimadu ee ka dhacay magaalada Caabud-waaq 9kii bishan barakeysan ee Ramadaan, halkaas oo dil arxan-darro ah loogu geystey marxuumad xaajiyo Nuuro Yuusuf Axmed. (Allaha u naxariistee). dilkaas oo ay geysteen gacmo ka xaqdaraa marxuumadda.
Waxay jaaliyadda beeshu si buuxda oo caro leh u cambaareyneysaa falkaas isaga ah ciddii geysatey, iyo ciddii ogeyd oo qarineysaba, annagoo islamarkaasna ka durraamaneyna dhammaan dadka walaalaha ah ee deegaanku iney ka feejignaadaan cawaaqib xumo ka dhalata falkaas sharaf-dhaca leh, oo ay meel uga soo wadajeestaan sidii xal waara oo wanaagsan looga gaari lahaa xallintiisa si dhakhso ku jirto.
Waxaa kaloo oo ay jaaliyaddu talo u soo jeedineysaa maamulka Ehlu-suna ee ka arrimiya deegaanadaas, iyo ciidankeeduba in aysan arrintani ka hoos bixin, maadaama guud ahaan beesha celi meel kasta oo ay joogto ay u aragto arrintaan mid xaqiiqdii xasaasi ah. Inkastoo aannu ognahay in ilaa hadda maamulku aad ugu hawlanyahay ka jibo keenidda xaalkaan murugada leh, ayna ku ammaananyihiin, haddana waxaan ku soo gebo-gebeyneynaa baaqayaga iyo taladayadaba in maxkamad caaddil ah la horkeeno dadkii masiibadaan kharaar ka danbeeyey, loona wada garto in dadka noocaas ahi ehelna ahyn cidna u aabba yeeleyn abidkood.
Waxaa baaqaan iyo taladaan soo jeedinaaya akhyaarta jaaliyadda ee kala ah:
1. Sheekh maxamed kobaco
2. Caaqil Axmed odowaa
3. Dr. Calibeddel macallin cabdi
5. Dr. Cabdulqaadir koofiya cadde
6. kol. Cabdicasiis Sheekh Cabdisalaam (Codweyn)
7. Dr. Saacid Cali-faarax Axmed
8. Dr. Cabdullaahi Jaamac Karinle
9. Dr. Cabduweli Xasan Xuseen (Garba-cune)
10. Dr. Xasan Axmed Warsame
11. Dr. Maxamed Shuuke macallin Cabdi
12.Sheekh Yuusuf C/raxmaan Hoolaal
13. Dr. Xasan yuusuf-waal
14. Nabaddoon Salaad Xuseen (waaweyne)
15.Ing. Cabdi Faarax Khashiin
16.Dr. Maxamed Ismaaciil Awmaxamuud (Bandiiro)
17.Xildhibaan Cabduweli Sheekh maxamed Dheere
18. Caaqil Gacal Maxamed xaashi
19. Drsa. Mulki Sheekh Cabdille Cadde
20. Drsa. Maryan Ismaaciil Aw-maxamuud
21. Ing. Bashiir Axme-nuur Aaden
22. Sharma-arke Axmednuur Aaden
23. Cabdoow Afgooye
24. Farxiya Afgooye
25. Cabduweli Yuusuf-waal
26. Ing. Cabduweli Maxamed Xareed
27. Dr. Cabdicasiis Aden Sheekh
28. Xaajiyo Xaliimo Aden Sheekh
29. Marwo Xaliimo Salaad jimcaale
30. Marwo Canab Cabdi Boor (doombiro)
31. Drsa. Safiyo M. Xiniin (Dhaloweyn)
32. Marwo safiyo Axmed-nuur
33. Drsa. Khadra Axmed-Nuur
34. Dr. Ayaanle Cabduweli
35. Cabdixakiin Macallin Cabdi
35. Xuseen Caliyoow m. Iidle
36. Jaamac Maxamed Iidle
37. Faysal C/qaadir-dhibco
38. Sheekh Ciise Cabduweli Sheekh Maxamed
39. Eeddo Farxiyo calidegeyr
40. Marwo Yaasmiin Daahir Ciid
41. Marwo Mulki Sheekh Cabdisalaam Aw maxamuud
42. ayaan Maxamed Iidle
43. xaliimo Macallin Cabdullaahi aw cali
44. Xaliimo Aaden Guud (xaliimo Caddeey) iyo in badan oo aan halkan lagu soo koobin.
Wa billaahi towfiiq



