Ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo xoogan ka bilaabay degmada Doolow.
Doolow: (Sh. M. Network) Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo xoogan oo la sheegay inay ugu diyaar garoobayaan weerar ay ku qaadaan degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
Dad goob joogeyaal ah oo ku sugan degmada Doolow Soomaaliya ayaa warbaahinta Shabelle in ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan in laga dareemayo gudaha degmada Doolow kaasi oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Wararka ka imaanay Magaalada Doolow ayaa waxa ay sheegayaan in ay jiraan dhaq dhaqaaq ay wadaan saraakiil ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya, waxana dhamaan gudaha degmada Doolow laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ay samaynayaan ciidamo iyo saraakiil taabacsan dowladda KMG ee Soomaaliya.
Inkastoo aan la xiriirnay saraakiisha amniga ee horkacay ciidamada ayaa inoo suurto galin in aan ku helno qadka Taleefanka hase ahaatee waxaa ay dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen in arintaan ay si wayn uga dareemayeen labadii maalin ee lasoo dhaafay.
Dhaq dhaqaaqa ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili dhawaan ay sheegeen saraakiisha Xarakada Shabaab ee ku sugan gobolka Gedo in ay weerari doonaan degmada Doolow Soomaaliya, waxaana dhaq dhaqaaqaasi iminka si wayn looga dareemay degmada Doolow iyo nawaaxigeeda oo ay horey gacanta ugu hayeen ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net
http://www.shabelle.net/component/conte ... ada-doolow




