1500 Rer Hasan from Nageyle go to Dolow
Posted: Sun Sep 26, 2010 2:45 am
Ciidamo uu hogaaminayo Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo degmada Doolow soo gaaray
Boqolaal ka tirsan ciidanka Dowladda KMG ah oo tababar kusoo qaatay dalka Dibadiisa ayaa soo gaaray magaalada Doolow ee Gobalka Gedo, halkaasi oo ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan.
Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah oo Doolow ku sugan, shalay gelinkii dambe waxaa magaalada soo gaaray ciidamo fara badan oo uu horkacayo Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan oo k atisran mas’uuliyiinta Dowladda ee abaabulka ka wada Xadka.
Mid ka mida saraakiisha Tababarka soo dhamaysatay oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Doolow dib ugu soo laabteen kadib 6-bilood oo ay tababaro uga socdeen gudaha dalka Itoobiya.
“Ciidan Boqolaal ah ayaan nahay, xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaana Doolow na keenay, muddo 6-bilood ah ayaana tababaro kusoo qaadanay dalka Itoobiyaa, hadii alle idmo waxaan qaban doonnaa howlihii qaran oo ay noo xilsaartay Dowladda KMG ah” ayuu yiri sarkaal ku sugan magaalada Doolow.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ay warbaahinta la xariirtay ayaa ka gaabsaday in uu cadaymo dheeri ah ka bixiyo abaabulkaan ciidan iyo waqtiga ay rabaan in ay howl-galaan, wuxuuse sheegay in maalmaha soo socda ay heer gobal uga hadli doonaan arrinta ku aadan abaabulada socda.
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.
http://www.allgedo.com/2010/09/25/ciida ... oo-gaaray/