Caabudwaaq police development
Posted: Thu Dec 23, 2010 11:05 pm
Taliska Ahlu Sunna ee degmada Caabudwaaq oo amaro soo saaray.
Caabudwaaq ( Sh. M. Network) Taliska Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa amaro kasoo saaray dad la sheegay in waxyaabaha maaanka dooriya in ay ku dhex iibiyaan gudaha degmadaasi.
Taliya saldhiga Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Axmed Shire Cabdulle ayaa mar kale ku culiyay qodobo ay qaar kood horey u soo saareen kuwaasi oo ku aadanaa wargalin dadka ay ku wargalinayaan in dadku dhaqan degmadaasi ay ka waantoobaan waxyaabaha maanka dooriya.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad gudaha degmada Caabudwaaq soo galiyay Qamriga iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya, waxaana uu Taliyaha sheegay in gaarigii lagu arkaa isagoo wado waxyaabahaasi ama cidii lagu arkaa, in ay talaabo cad ka qaadi doonaan ciidamada Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmdaasi.
Taliyaha Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Caabudwaaq Axmed Shire Cabdulle ayaa waxaa uu sheegay in mar kale ay ku celinayaan amaradasi, isagoo tilmamay in la doonayo in loo hogaansamo amaradaasi, waxaana uu inaasi ku daray Taliyaha in ciidamada ay bilaabi doonaan howlgalo ay ku baacsanayaan dadka iibiya iyo kuwa gudaha magaaladasi soo galiya waxyaabaha maanka dooriya.
Amaradaan ay Maamulka Ahlu Sunna soo saareen ayaa waxaa uu yimid kadib markii qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ay ka dhaga adeegeen amarada, waxaana la sheegay in howlgalka ciidamada ay saakay ka bilaabi doonaan magaaladaasi islamarkaana cidii lagu soo qabtaa waxyabaaha maanka dooriya uu Maamulka go’aan ka gaarayo.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net
http://www.shabelle.net/article.php?id=1217