Waxaa dagan caawa xaalada Tuulada Ari-cadeys iyo nawaaxigeeda, waxaana
isa soo taraya waxyeelada xiisadii galabta ka dhacdey deegaankaasi.
Tuulada Ari-cadeys oo 30 Km dhinaca Balanbal ka xigta Degmada
Caabudwaaq ayaa caawa waxaa ka jira jawi cabsiyeed taasi oo udhaxeysa
dadka deegaanka iyo maleeshiyaad ka soojeeda Tuulada Xeraale.
2 ruux ayaa dhimatey 3 kalena waa ay ku dhaawacantey xiisadii maanta
labada ruux ee geeriyootey ayaa kala ah labada dhinac ee dirirtu
dhexmartey dadka deegaanka Ari-cadeys oo lasoo xariirey Warbaahinta
Radio Caabudwaaq ayaa sheegay inay weerar soo qadeen maleeshiyaad ku
abtirsada beesha Xeraale ka dib dilkii maanta.
Waxaana ay sheegeen inay yihiin dad lagu soo weerarey deegaankoodii
taasoo keentey waxyeelada intaasi le’eg, dhinaca kale waxgaradka
Xeraale oo xiriir ay la sameysay Warbaahinta Radio Caabudwaaq ayaa
sheegay inaaney jirin wax weerar ah oo laga soo qaadey Magaaladaasi.
Dagaalka maanta ka dhacey nawaaxiga Tuulada Ar-cadeys waxaa uu yimid
xilli ay ku bexeen deegaankaasi Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan
maamulka Culimaa’udiinka Ahlusunna ee Degmada Caabudwaaq, waxaana ay
gaareen maleeshiyaadka deegaanka oo diriraya, waxaana ku adkaatey inay
kaladhex galaan labada dhinac.
Xiisadan ayaa laga cabsi qabaa inay soo nooneyso Colaad horey uga
dhaxeysay dadka kala dega tuulooyinka Xeraale iyo Ari-cadeys taasoo ku
biya shubaneysa muran ku saabsan dhinaca deegaanka.
Isbitalka Guud ee Hadiya Hospital ee Degmada Caabudwaaq ayaa la soo
gaarsiiyey dhaawaca dagaalka maanta iyo hal dhimasho ah kaasi oo ka
soojeeda Degaanka Ari-cadeys, waxaa jira dad wali la la’yahey oo kamid
ah deegaanka, kuwaas oo aan la ogeyn waxa ay ku dambeeyeen





