Wadahadallo u furmay beelihii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud gaar ahaana tuulooyinka hoos taga Cabudwaq..
Cabudwaq: (R.CW) Wadahadallo nabadeed ayaa u bilowday odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda degaanada Xeraale iyo Caabudwaaq kadib markii maleeshiyaad ka soo kala jeeda deegaanadaasi ay ku Dagaalameen Maalmihii la soo dhaafay Gobolka Galgaduud.
Kulankaani wadahadalka ah ayaa waxuu u furmay waxgaradka deegaanada Xeraale iyo Arri-cade waxaana kulankaasi goobjoog ka ah Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyadoo Maalintii shalay wafuud ka socotay labadaasi dhinac halkaasi la isugu keenay.
Wadahadalka ayaa waxaa looga hadlayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay tuulooyinka hoostaga deegaanka Xeraale iyo Caabudwaaq halkaasi oo dhawaan ay ku dagaalameen beelo wada dega, kuwaasi oo dagaalkoodu uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Masuuliyiinta kulanka ka qeyb gashay ayaa ka wadahadlay qaabka loo xakameyn karo maleeshiyaadka dagaalku uu dhexmaray iyo sidii loo wadahadalsiin lahaa odayaasha labada beelood iyo in la turxaan bixiyo waxyaabaha keenay khilaafka beelahaasi.
Gudoomiyha Maamulka Ahlu Sunna ee degmada Caabudwaaq Sheekh Xasan Cabdi Calas (Xasan Caabudwaaq) oo u warramayay Radio Cabudwaq isagoo kusugan gogasha wadahadalka ayaa waxaa uu sheegay in wadahadalku uu marayo meel wanaagsan ayna suurta gal tahay in xiliyada nagusoo aadan wadahadaladaasi la soo afjaro.
Xasan Caabudwaaq waxaa uu sheegay in ay ku guuleysteen kala qaadista maleeshiyaadkii halkaasi ku dagaalamay isagoo intaasi ku daray in labada beelood ay ogol yihiin sidii loo dhameyn lahaa dagaalka ka soo dhex cusboonaaday.
C/kariin Axmed bulxan
Cabudwaq




