


Ka dabib qulqulatooyinkii ka dhacay horaantii bishan ayaa hada ah mid wanaagsa waxaana la adkeeyay xaduuda daaqsinka ah u dhaxaysa magaalooyinka xeraale iyo ari’cadeeys.
Goobahaas ayaa waxaad ku arki kartaa markii aad daaq u aadidi ciidamo ka tirsa kuwa culumaa’udiinka ahlusnna waljameeca waxaad amuurtaasi ku diirsaday dadka reer miyiga ah eek u dhaqan dhulkasi.
Labada beelood ee horaantii bishan isku dagaashay deegaankaas ayaa waxaa hada midkoodba uu ku mahsquulsa yahay aruurita lacago iyo geel mag ah oo loo diray tasoo bartamaha bisha soo socota laga rabo in laga tirsado kuwaasoo ah sadex nin magtood.
Saraakiisha amaanka ee culumaa’udiinka ahlusnna waljameca oo laoso xiiiray Radio badbaado ayaa waxaa ay u sheegeen in Amniga ay gaca bir ah ku qabaayaan islamarkaasna ay dagaal kala hortagayaan cidii ay u arkaan in ay nabadgalyada ka soo horjeestaan.
Si kastaba ha ahaatee dagaalka u dhaxeeya beelaha dariska ah ee xeraale iyo ari’cadeeys ayaa ah mid soo jiitamayay sanado badan taaso marwalba noqo kara mid soo cusboonaada waxaaa midas sabab u ah iyadoo aysan jirin wax heshiis ah oo awal laga wada gaari jiray dadkii ku dhiman jiray dagaaladii hore.
Badbaadonet caabudwaaq
Max’ed C/laahi xasan dayuurad.
Short URL: http://badbaadonet.com/?p=1010



