Muqdisho, Somalia (AOL) – Xarakada Al Shabaab ayaa wax ka bedeshay qaabka ay u shaqeeyaan Afhayeenadooda, 7-dii sano ee lasoo dhaafay Afhayeenimada dowladda KMG ah, Al Shabaab iyo Ururkii Xisbul islaam waxaa haysay mid kamida beelaha Soomaaliyeed.
Markii ugu horaysay Al Shabaab ayaa Afhayeen u magacaawday wadaad kasoo jeeda Gobolka Gedo ee Koonfur galbeed Soomaaliya taasi oo meesha ka saaraysa in maamulada dalka kajira ay beel qura Afhayeen u noqoto.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo kasoo jeedo Gobolka Gedo ayay Shabaabul Mujaahidiin u magacaawday Afhayeenka guud ee Ciidamada Shabaab arrinkaasi oo u muuqda mid shabaabku ku wanaajinayaan maamulkooda dhanka Warfaafinta.
C/raxmaan Diinaari oo ahaa Afhayeenkii xukuumadii Cali Geedi, Cabdullaahi Bariise – Afhayeenka Booliska, Muuse Caraale- Afhayeenkii Xisbul Islaam, Cumar Maxamed Faarax – Afhayeenkii Ahlusuna, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo isna ahaa Afhayeenka Al-Shabaab ayaa dhamaantood kasoo wada jeeda Hal beel oo ah beesha Murunsade, arrinkaasi oo dadka Soomaaliyeed dareen weyn ku dhalisay.
Siyaasigan kasoo jeedo Gobolka gedo ayaa maalmihii lasoo dhaafay dardar gelinayay shaqadiisa wuxuuna Muqdisho ku qabanayay shirar Jaraa’id oo uu ku cambaareynayay AMISOM iyo dowladda KMG ah.
Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa kamid ahaa Wadaadadii Al-Itixaad ee dowladii Itoobiya kula dagaalamay degmooyinka Luuq iyo Doolow sagaashameeyadii.
Si kastaba ha ahaatee Siyaasadda Soomaaliya ayaa ah mid weli aan sal adag ku taagnayn waxaana dalka kajira dhinacyo ku dagaalamaya magaca diimeed, iyo dhinacyo ku dagaalamaya magaca dowladeed iyo ciidan shisheeye oo ku dagaalamaya in ay Nabadda sugayaan balse dhamaantood burbur u geysanaya dalka.
Allahuakbar



