Page 1 of 1

Dagaal daqiiqado ka hor ka qarxay degmada B/xaawo ee gobolka

Posted: Wed Feb 23, 2011 4:36 am
by CoolPoisons
War hadda soo gaaray warqabadka boggan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo aad u qaraar ay ka qarxeen degmada B/Xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo dhexmaraya ciidamada Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah kuwa Dowlada Somalia iyo ahlu suna waljameeca.

Warka ayaa intaa ku daraya in dagaalka ka socda degmada Beled xaawo uu yimid ka dib gadaal markii ay halkaasi weerar ku qaadeen ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa ahlu suna waljameeca oo ka yimid dhinaca degmada Doolow halkaasoo mudooyinkanba ay dowlada Itoobiya ku hubeyneysay waxaana dagaalka oo markii hore ka soo bilowday duleedka degmadaasi haatan la sheegay in la isla galay bartamaha B/xaawo.


Dhinacyada dagaalamaya ayaa la sheegayaa iney isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala gedisan oo ay ku jiraan madaafiic iyo hoobiyeyaal, iyadoo dadweynihii ku noolaa degmadaasi ay u talaabeen saaka intooda badan dhinaca degmada Mandhera ee xadka dalka Kenya ka dib markii ay ka sii war heleen dagaalada soo foolka leh iyo xiisadaha jiray, lamana oga illaa hadda qasaaraha dagaaladan ka dhashay.

Dagaalada ka socda degmada B/Xaawo ayaa ku soo beegmay xili dagaalo kale oo la ujeedo ah ay ka socdaan magaalooyinka Muqdisho iyo B/weyne wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco boggan saacadaha soo aadan insha ALLAAH.

Re: Dagaal daqiiqado ka hor ka qarxay degmada B/xaawo ee gob

Posted: Wed Feb 23, 2011 5:17 am
by CoolPoisons
Dagaal ka bilowday degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo

Balad Xaawo: (Sh.M. Network) Dagaal culus oou dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada AL Shabaab ayaa maanta ka dhacay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo saacadihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayay.

Wararka laga helayo degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi uu ka socdo dagaal xoogan uu u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa xarakada AL Shabaab ee horay gacanta ugu hayay halkaasi.

Dagaalka oo la sheegay in markii hore uu ka bilowday duleedka Magaalada Balad Xaawo ayaa la sheegay in uu haatan ku fiday gudaha magaalada waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan dagaalka hub cul culis.

Wararku waxaa ay sidoo kale intaasi ku darayaan in dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kuwaasi oo iyana maalimihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka waday gobolka Gedo

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi hase yeeshee dagaalku waxaa uu saameyn ku yeeshay shacabka ku nool degmadaasi kuwaasi oo maanta ay ka soo bixin guryahooda kadib markii ay ka warheleen dagaalo xoogan oo ka duldhacaya.

Wasiirka gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo warbaahinta Muqdisho la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay howlgalo militari oo wada jir ah qaaday isagoo xusay in ciidamada dowladda ay duuleen ku yihiin gobolada ay maamulaan Al Shabaab.

Ciidamadaani weerarka ku qaaday degmada Balad Xaawo ayaa shalay ka soo dhaqaaqay degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalana laga cabsi qabo in dagaalo xoogan ay ka dhacaan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Re: Dagaal daqiiqado ka hor ka qarxay degmada B/xaawo ee gob

Posted: Wed Feb 23, 2011 5:22 am
by XimanJaale
Ok