Suldaanka Curad ee Uurmidig Suldaan ShiikhC/Raxmaan Shiikh maxamed Xaamid, wuxuu talo ku soo jediyey in dagaalada Gedo ka dhacahaya weliba Baladxaawo, in si sharuud la'aan ah loo joojiyaa, dadka shacabka ee abaaraha la ildarana laga joojiyaa xabada iyo gumaadka. Gedo alshabaab dan uguma jirto, waayo dib u dhac wayn baa laga dhaxlay, kadib markii ay kala eryeen maamulkii reer Gedo doorteen. Hase yeeshee waqtigan xaadirka ah dagaalku ma haboona,waayo dadkii dagaal abaareed bayku jiraan oo la dhibtoonayaan, wax u dhinta iyo qaar la jihaadaya, yanan xabad iyo gumaad loogu darin oo hala jooiyo dagaalada Gedo. Waa in caqlugu taliyaa oo la keenaa xal dagaal ka duwan oo lagu soo dabaalo Gedo. Inta dhimatay alaha u naxariisto, inta dhaawacana allaha biskooyo aamiin.
Maxamed Jamac cabdi
Wakiilka sildaanka ee Europ.


