Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

TFG & Ahlu sunnah have meeting in NW of Beledxaawo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12573
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

TFG & Ahlu sunnah have meeting in NW of Beledxaawo

Postby XimanJaale » Thu Mar 03, 2011 7:32 am

Kulan ay maanta isugu imaadeen maamulka Sare ee Culima Awdiinka Ahlusu Sunna Waljamaaca iyo Xubno sare oo katirsan Dawlaada KMG ee Soomaaliya ayaa ka dhacay Ceelasha Biyaha ee Duleedka Dagmaada Beled-Xaawo oo fariisin ku leeyihiin ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Dawlada.




Kulankaasi oo ahaa mid aan saxaafad loo ogolayn ayaa looga hadlay Arimo Dhawr ah oo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa dagaalada lagula jiro Al-Shabaab iyo sidii Ciidamada loo dhiiri galin lahaa islamarkaana loo siin lahaa dhaqaale ku filan.


Kulanka kadib ayaa waxaa shir jaraa’id u qabtay saxaafad Afhayeenka Gobolada koofureed ee Ahlusunna Wal-Jamaaca Shariif Cabdi waaxid Shariif oo ku Magac Dheer Hilaal Axmar wuxuuna sheegay in ay soo saareen Dhawr Qodob oo ay kamid yihiin :-


1- Ciidamaada Ahlusunna in ay Laba jibaaraan dagaalada ay kula jiraan Waxa uu ugu yeeray cadawga Alle iyo cadawga Diinta sida uu hadalka u dhigay mar uu saxaafadda u waramayey.


2- Ahlusunna dibaada waxaa loogu baaqayaa dadaal dheeraad ah sida Dhaqaalaha iyo Isku Xirnaanshaha iyo in ay ka qayb qaataan sidii meesha looga saari lahaa waxa uu ugu yeeray Nabad diidjka.


Kulanka ay maanta isugu imaadeen Madaxda Ahlusunna iyo Dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya Xilli dagaallo Xooganbi ay ka dheceen degmadaasi Beled-Xaawo islamarkaana ay ka barakeceen Boqool Qays oo ku noolaa Deegaanadaasi.


Dhinaca kale xilli maalmihii la soo dhaafay ay dagaallo xoogani ka dheceen degmada Beled-xaawo ee woqooyiga Gobolka Gedo ayaa haatan Magaaladaasi waxaa ka taagan Biyo la’aan aad u baahsan kadib bmarkii Ceelashii biyaha ay degeen ciidamo taabacsan Ahlu Sunna iyo Dawlada KMG ee Soomaaliya.


Magaalada Beled-xaawo oo inta badan dadkii daganaa ay ka carareen ayaa haatan qoysaskii ku haray waxaa ay ka cabanayaan biyo la’aan aad u baahsan islamarkaana aysan jirin booyado shaqaynaya.


Mid kamid ah dadka deegaanka oo la soo xariiray warfidiyeenada ayaa waxaa uu sheegay in magaalada ay haatan biyo la’aan thay islamarkaana aysan jirin booyado shaqaynaya cabsi ay ka qabaan dhinacyada isku horfadhiya magaalada.


Ceelashii biyaha laga soo dhaamin jiray ayaa waxaa fariisin ka dhigtay Ciidamada Ahlu sunna wal-jamaaca iyo kuwa Dawlada KMG ee Soomaaliya oo dagaal xoogan kula jira Ururka Al-shabaab oo gacanta ku haya maamulka Degmada Beled-xaawo.


Si kastaba ha ahaatee xaakada magaalada ayaa haatan degen marka laga reebo madaafiic laga yaabo in ay mar mar ku soo dhacaan qaybaha kala duwan ee magaaladaasi waxaana dadkii daganaa intoodii badnayd ay u qexeen Degmada Mandera ee Gobolka Woqooyi bari Kenya.

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12573
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: TFG & Ahlu sunnah have meeting in NW of Beledxaawo

Postby XimanJaale » Fri Mar 04, 2011 6:40 pm

More troops from dollow are joining the frontline. 4/04/11


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests