Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka dagmada Luuq ee gobolka Gedo, ayaa saakay yeeshay kulan looga arrinsanaayo xaaladda degmadaasi.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii degmada Luuq loogu sameyn lahaa maamul ay leedahay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyada bulshada, sida nabadgelyada, caafimaadka iyo in isbeddel lagu sameeyo dagmadaasi.
Maxamed Cabdi Kaliil oo ka mid ah mas’uuliyiinta dowlada KMG, ayaa sheegay in ay iyaga iyo odayaashu isku afgarteen in maamul loo sameeyo dagmada Luuq.
Nabadoon Cabdiqani Nuur Cali oo ka mid ah odayaasha ka qeyb galay kulanka, ayaa soo dhoweeyay arrintaasi, isagoo sheegay inay isku afgarteen dowladda in maamul loo wada dhan yahay loo sameeyo degmada Luuq.
Degmada Luuq ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyada Al Shabaab, kuwaasoo halkaasi isaga baxay, kaddib markii ay ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna ay la wareegeen degmaga Beled Xaawo ee gobolka Gedo.



