Dagaal xoogan oo caawa ka qarxay degmada Baladxaawo
Baladxaawo: (Sh. M. Network) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa caawa waxaa uu ka qarxay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Wararka laga helayo deegmada Baladxaawo ayaa waxaa ay sheegayaan in degmadaasi caawa uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab, iyadoo magaaladaasi laga maqlayo dhawaqa madaafiic cul culus oo ku dhacaysa xaafadaha degmada Baladxaawo.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen goobo ay kaga sugnaayeen degmadaasi ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana wararku ay inaasi ku darayaan in deegaanka Kastamka ee degmada Baladxaawo ay ku dhacayaan madaafiic xoogan oo ay is weedaarsanayaan dhinacyada halkaasi isku haya.
Lama oga qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay maadama ay tahay xili habeen ah, waxaana dagaalkaani uu daba socdaa dagaalo iyo duqeymo maalmihii dambe ka dhacayay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
http://shabelle.net/article.php?id=4514



